Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Shalay Dagaal Gacanta Isula Tagay

0
564

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dhawr xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada oo ku kala qaybsan xaaladda cakiran ee ka taagnayd golaha wakiilada ayaa shalay gacmaha isula tagay.

Xildhibaanada oo ka kala tirsan labada garab ee golaha wakiilada ee sida adag iskaga soo horjeeda ayaa ka hor intii aanu shalay fadhiga aqalku si rasmi ah u furmin waxa ay isula tageen gacanta, ka dib markii ay isku maandhaafeen hadalo la xidhiidha xaaladii uu goluhu ku jiray. Laakiin ma jiro wax khasaare ah oo xildhibaanada kala gaadhay, waxaana u gurmaday oo kala qabtay xildhibaanada kale.

Xaaladda golaha wakiilada ayaa ahayd mid aad u adag, ka hor intii aanay Xaaji Cabdiwaraabe iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax u hawlgelin inay golaha fasaxaan, waxaanay ka hor intii aanu odayaasha guurtida ahi soo dhex gelin golaha ay xildhibaanadu u muuqdeen kuwo qarka u saarnaa inay intooda badani gacanta isula tagaan.

Hase yeeshe ka dib khudbadii Xaaji Cabdi-Waraabe, waxa ay xildhibaanada badankoodu golaha ka baxeen iyagoo gacmaha is haysta, islamarkaana u sacbinaya khudbadda Xaajiga.