Xildhibaano Ka Dayriyay Xaaladda Siyaasadeed Ee Dalku Marayo

0
755

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Xildhibaan Siciid Warsame ismaaciil (Gaane), ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo, waxayna sheegeen in Xukuumaddani dalkii iyo dadkiiba u horseeday dhibaatooyin ay ka mid yihiin qabyaalad, sicir barar, musuq-maasuqa, hantida umadda sida doono laga yeelayo iyo sharci jabin.

Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale iyo Xildhibaan Siciid Warsame ismaaciil (Gaane), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa ugu horeyn Xildhibaan Bashiir Tukaale, oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay inay Xukuumaddani waajibaadkeedii ka saarnaa dalka ay dayacday, oo ay kaga mashquushay olole, qabyaalad iyo kala qaybinta umadda reer Somaliland, waxaanu si gaar ah dhaliilo ugu soo jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Sicir bararka dalka ka taagan  “Sicir bararka dalka ka jiraa waa Siyaasad xumada iyo wax qabad la’aanta Xukuumaddan, umaddiina waa taas oo wey liitaan oo waa la arkayaa, oo shilinkii baan waxba u tarayn,Xukuumaddii ku shaqo lahayd inay wax ka qabato sicir bararka, oo xal ka gaadho, waxay ku mashquulsan tahay kala qaybinta umadda,hurinta qabyaalada iyo olole aan wali la gaadhin, Xukuumaddani waajibaadkii ka saarnaa umadda wey dayacday, waxayna ka door biday boobka hantida qaranka, qabyaalada iyo inay Xisbiga Kulmiye si sharci daro ah ugu ololayso, olole aan wali wakhtigiisi la gaadhin ”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey go’aanka Maxkamada Kenya iyo Doorashada Somaliland waxa laga filan karo Maxkamadda Somaliland ayaa yidhi “Arinta Maxkamadda Kenya, waa arin lama filaan ah oo ku soo korodhay Qaarada Afrika, waana markii ugu horeeysay ee Afrika arin noocaas ahi ka dhacdo, ee Maxkamadda sare ee dalkeena waxaan leeyahay wax ka barta, oo ku dayda”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu baaq u diraayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka waxaan leeyahay hawlihii waa gabagabo, wakhtigiina uu ina hayaa, ee muddadaas yare ee inooga hadhay Doorashada waa inay ka hor soo bandhigaan guud ahaan dadka kaadhadhka qaatay”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Doorashadii Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada ayaa yidhi “Waxaan maqlayey koox ka mid ah xisbiga kulmiye oo ka jabay markii la dooranayey Guddoomiye ku xigeenka oo la muuqinayey oo laga diiday wixii ay doonayeen, kuwaas oo tiradoodu tahay dhawryo toban kuwaas wada  arin noocaas ah oo lidi ku ah Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle”.

Xildhibaan Baashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey hadal ka soo yeedhay Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ee dhawaan la doortay ayaa yidhi “Markii la dooranayey Gudoomiye ku xigeenka mise intii dambe,  anagu doorashadii gudoomiye ku xigeenka wax abaabul ah ama olole ah oo aanu ka galnay may jirin, Rag badan oo  Waddani ah ayaaba codka siiyey, markaa sabab uu u yidhaahdo maanta Waddani waxay ku faanayaan cod aanay I  siin, codka haddii la siiyey iyo haddii kalaba waxaad tahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada markaa hadalkaasi mid meesha qabta muu ahayn waayo codkii wuu helay waanu guulaystay markaa inuu yidhaa cidbaan codka I siin taasi waa mid ka baxsan arimaha doorashada iyo cida ku guulaysatayba”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey loolanka labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ee Gabiley ayaa yidhi “Waxaan u malaynayaa inay Gabiley tahay gurigii Muuse Biixi, gurigaagana inaad ku faanto maaha laakiin waxa lagaaga baahan yahay inaad meelaha kale ee aan ahayn gurigaaga ee qabaa’ilka kale degaan inaad ka ololayso ayey quruxdu ku jirtaa laakiin haddii gurigaaga saacadu kaaga dhacdo taasna waxaan u sababaynayaa in lala qaybsaday halkii uu ka soo jeeday, waana sababta ku kaliftay inuu ka dhex bixi waayo deegaankiisa”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Xukuumadda iyo Muuse Biixi ayaa yidhi “Xukuumadan ayuu intaas hoos joogay, waanu arkayey waxa ku dhacaya dalka iyo dadka, intaasna midna kamuu damqan markaa ninka shalay ka damqan waayey ileen xukuumadu xisbigiisa ayey ka mid ahayd oo dadkii xisbiga ayey ahayde ee sixi kari waayey barina waxba qaban kari maayo”

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo ah Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayraadka dabiiciga ee Golaha Wakiilada ayaa isna dhankiisa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu ugu horeyn yidhi  “Waxaan umadda reer Somaliland leeyahay waxa soo socota Doorasho loo tartamayo  Madaxtooyada, sidaas awgeed waxaan leeyahay wax badan baa ka dabcay Dawladnimadii, ee indhaha fura, oo diyaar u ahaada Doorasho wanaagsan, oo ka qayb qaata midaynta iyo midnimada Somaliland, oo waxaan Shacabka leeyahay ilaashada Doorashadiina, oo yaanay dhicin sidii ka dhacday Golahayaga Wakiilada, oo Shacabka ayaanu ka sugaynaa Garsoor xalaal ah, Shacabka ayaanu ka sugaynaa inay noqdaan Garsoorayaal madaama ay Guurtidii iyo Maxkamadii noqdeen waxba kama jiraan, oo shaqadoodii cid kale amaahiyeen, waxaana leeyahay Shacabka wax walba oo aad aragtaan ka garsoora”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi “Wali xaaladan oo kale inamay soo marin, Sicir bararka dalka ka jira, heerka ay Qabyaaladu gaadhay, musuq-maasuqa xadhkaha goostay,  tahriibka iyo Sharci jabinta ay ina baday Xukuumaddan Siillaanyo, ayaa dhibaato inoogu filan, Xukuumaddana waa Xukuumaddii ugu liidatay ee dalka soo marta,ee dadka waxaan leeyahay Kulmiye, Kulmiye bedelay, lama odhan kara waa is bedel ee Xisbiga Waddani, ayaa dantiinu ku jirtaa ee Xisbiga Waddani doorta”.

Xildhibaan SIciid Gaane mar uu ka hadlaayey Xukuumaddan ayaa yidhi “Waxa shaki la’a in dalku uu baahan yahay is bedel, waxaynu marayna meel ka xun 1991-kii, dadku uma baahna is bedel qudha, ee wuxuu u baahan yahay is bedel xalaal ah, oo wanaagsan, oo dalka iyo dadkuba ku diirsadaan, lamana sameeyn karo is bedel aanu Shacabku qayb ka ahayn, ee waxaan Shacabka ugu baaqay in is bedelka lagu sameeynayo Somaliland aad qayb ka ahaatan, is bedel xalaal oo Shacabku aanay u eegaynin qabiil, koox, qof iyo nin jecelaysi, ayaa looga baahan yahay is bedel xalaal ah, inay keenaan”.