Hargeysa(Geeska):-Munaasibad aad u balaadhan oo maanta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhawaynaayey Siyaasiyiin,Xildhibaano iyo taageerayaal mug iyo miisaan culus ku lahaa Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa lagu qabtay Hotel Crown ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),Siyaasiyiinta,Xildhibaanada iyo taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI,hogaanka sare ee Xisbiga WADDANI,Haween,dhalinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.
Xildhibaan Siciid Cilmi Roobleh oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Miisaanka Culus ku lahaa Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE isla mar ahaantaana ay isaga iyo taageerayaashiisuba ay maanta u soo diga rogteen Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu si aad ah uu maanta ugu faraxsan yahay in uu ku soo biro Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana uu carabka ku dhuftay in Xisbiga Muxaafadka ah ee KULIYE uu noqday Xisbi lagu hungobay oo ay shacbiga reer Somaliland ka waayeen waxii waxqabad ahaa ee ay ka sugayeen,isaga oo sida oo kalena tibaaxay in uu si aada ugu kalsoon yahay in Xisbiga WADDANI uu dalka ka saari karo hagardaamooyinka uu Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE ugaystay.
“Horta maanta waa maalin wayn,waa Cashuura oo Illaahy quraankiisa noogu sheegay,waa maalintii ay guulaysteen Nabi Muuse iyo Taabiciintiisii,inaguna maanta qoladeena soo biirtay maanta ayaa aynu ku soo biirnay Xisbiga WADDANI,Nabi Muuse iyo Taabiciintiisii badas ayaa ay ka baxeen inaguna maanta dooxa ayaa aynu ka talaabaynaa oo xagaas ayaa aynu tagaynaa oo Cirro ayaa aynu u codaynaynaa,oo codkeena siinaynaa,waana ay isu eeg yihiin Labada maal mood,waxaana aynu rajaynaynaa horta guul.Waxaa kale oo aan idiin sheegayaa samanba waxbaa socda oo dabaylaha waa aynu naqaana dabayshu waxa ay u eegtahay maanta Xisbiga WADDANI sanadihii ugu danbeeyey ee nalagu soo biirayey ee Xisbiga KULMIYE lagu soo biirayey 2009-kii,iyo 2010-kii horaanteedii,ayaa ay maanta u eegtahay oo ay wajigeedii leedahay,oo sidaas maanta WADDANI loogu soo qul qulaayo ayaa ay ahayd,Sanadkii WADDANI ayaa ay u muuqataa ee bushaaraysta.waxaanse guddoomiyaha u sheegayaa horta dadkani ha soo kala hor dhacaan oo anigu qoys odhan maayee,laakiinse waa Subulaha illaa Saaxil weeye.dadkan maanta inagu soo biirayna waxaa ay kala tirsan yihiin oo ay ka kala yimaadeen oo bilaabmaysa Gabilay,Hargeysa,Berbara,Sheekh,Burco illa Ceerigaabo oo ay dhamaantoodbna ku danbayn doonaan Xisbiga WADDANI”Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
Xildhibaan Aareeye oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna dhankiisa carabka ku dhuftay in Xisbiga KULMIYE uu dalka galiyey kala qoqobnaan aad u baahsan,isaga oo tilmaamay in muddadii uu ay Xilka hayeena in dalku ay soo wajahday cadaalad darro aad u baahsani,waxaana uu aad ugu dheeraaday halka maanta dalku maraayo isaga oo barbar dhigay waagii ay uu Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu dalka haystay.isaga oo iftiimiyey in waagaasi uu ka qabyaalada yaraa wakhtigan hada la joogo.
“Aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa dhalinyarta,Haweenka,Mujaahidiin ee dadka kale ee ka soo qayb galay Munaasibadan,waxaan maanta halkan ka sheegayaa dalkan Laba Wali ayaa ka dhimatay,Alleh ha u naxariistee,Waliga u horeeya waxaa uu ahaa Madaxweynahii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,Illaahay Janadii Fardawsa ha ka waraabiye,Waliga Labaad waxaa uu ahaa Sheekh Ibraahim Sheekh Madar guddoomiyahii guurtida,waxaa kale oo jiray Madaxweynahii uug dulqaadka badnaa ee Cabdiraxmaan Tuur iyo Daahir Rayaale Kabaha ayaa lagala baxay,Daahir Rayaalena wax kasta ayaa lagu sameeyey.Markaa waxaan la yaabahanahay Laba nin oo isku reer ah waagaa oo Ina Cigaal Iyo Sheekh Ibraahim waan la yaabana oo 97-kii ayaan Wasiir ka noqday,oo waxaan lahaa waar niyow maa qof kale loo dhiibo ayaan lahaa,Illayn sidan ayaa sharftu ku jirtay oo marka Ina Cigaal uu meel yar ka baydho,Sheekh Ibraahim oo usha sita ayuunbaa usha miiska u garaaca,waar yaa ina Cigaaloow meesha maan kaa tuurnaa,mise taladayada ayaad qaadanaysaa.Saleebaan waxaa laga rabay guddoomiyahii Guurtida hadduu noqday kama xumin isaga iyo Siilaanyo in ay Isku beel mid ay noqdaan laakiin siduu Sheekh Ibraahim u arrimin jiray ayaa lagaa waayey”Ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye
Waxaa kale oo iyaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta iyo sida oo kale Taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay dhamaantoodba ay carabka ku dhufteen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta ay cududoodii taageero ay u soo wareejiyaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,waxaana ay dhamaantoodba ay halkaasi ay cod dheer kaga dhawaaqeen in ay si taageeradooda ay marwalba laga garab istaagi doonaan Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,si baa ay yidhaahdee dalka looga saaro cadaalad la’aanta iyo qabyaalada uu intii Xisbiga KULMIYE dalka Xukumaayey sida ba’an faraha uga baxday.
Siyaasi Siciid Sulub Maxamed oo isna sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa sheegay ugu horeyn si aada u soo dhaweeyey taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga WADDANI,waxaana uu sida oo kale uu jawaab ka bixiyey hadalo uu Wasiirka Duulistu uu dhawaan ku duraayey Siyaasi Siciid Sulub.
"Aduunyada Illaahay wax faan iyo Cay gole qudha isku dara,waxaa jira Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisa,goobta ay soo istaagaan iyagu faan aanay lahay ayaa ay sheeganayaan,dadka kalena xajiin iyo ceeb ayaa ay mar marinayaan,waxaa ka mid ah inankii maalintii dhawayd dhaqankii ee maalinkan maanta ah isaga oo Wasiir ah shaqaalihiisii inta uu lacag u dhiibay ku yidi xaflad ii sameeya aad igu amaantaan,oo amaanta kale sahaalo ayaa ay ahaan lahaydee waxaan dhaqan inoo ahayn faray ee yidhi Xeedho isaara waxa weeyaan Wasiirka Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi oo ninkaas waxaan islahaa waa nin dhaqan lahaa oo oday ah oo waxunbaa uu xeerinayaa waxba se ma uu xeerin haddii nin billaa dhaqan ahi uu ku helana inta aanu dadka kalena uu soo gaadhin ayaa wax la yara yidhaahda,ninkaas waxaan odhanayaa haddii guryo la iibiyey adigu bilo ayaad ku jirtay xafiiskaagii markii aad iibisay oo 800,000-kun oo dollaar ayaad siisay,hadana dib ayaad u kiraysatay mucjisada dhacday,dhaqaalaha iyo dalka miyaan dadku lahayn ee sidaas loogu tumanaayo illaa maantana waa uu u kiraysan yahay xafiiska haddii loo baahan yahay oo loo baahnaa maxaa loo iibiyey ,waxaa uu dhisay guri Boqolkun oo dollar ah,madaarna maynan arag Wasaarad ka dhigata Xarun dee waxaa uu ku talo galay in uu noqdo Maamulo Madaar,anagu marka aanu guulaysano Xisbiga WADDANI aqalka halkaas uu ka dhisay ee Airportka Maamulaha Madaarka ayuunbanu galinaynaa,xarunbaanan uga samaynaynaa halka Wasaaradahu ay ku yaalaan"Ayuu yidhi Siyaasi Siciid Sulub Maxamed