Xildhibaanada Muxaafidka Iyo Mucaaradka Oo Ka Hadlay Dagaalkii Golaha

0
686

Picture4Hargeysa (Geeska)-Xildhibaanada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafidka ee Golaha Wakiilada, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay gacan ka hadalkii shalay  dhexmaray Guddoomiyaha Golahaas iyo ku xigeenkiisa, waxaana Xildhibaanada Muxaafidku dhaliisha sareen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro), oo ay sheegeen inuu sharciga jabiyey,  halka kuwa  Mucaaradkuna ay dhaliisha saareen Baashe Maxamed Faarax.

Ugu horeyn Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo dagaalkii dhexmaray Cirro iyo Baashe kadib warbaahinta la hadlay ayaa yidhi “Horta waxa aan idiin sheegayaa awood ay Xukuumaddu la hadhay Maanta ma jirto, haddii ay arin tahay, haddii ay musuqmaasuq tahay, haddii nooc kasta oo hub ah oo la isticmaalo ay tahay,dhaqaale badan inay arintan ku bixisayna anaga ayaa caddeeynayna, Shacabka Somaliland xaal ayaanu ka siinaynaa waxaas dhacay, Golahana wuu jiray waanu taagnanayaa, walaa Xukuumad baa jabin karta, walaa cid kale ayaa  jabin karta, awooda Maanta awood ka badan oo keeni kartaa ma jirto, Golihina wuu jiraa, Guddoomiyihiina wuu jiraa, Haamahana shacabka ayaa leh, acanta Xukuumadda ayaanu ku jiraaya, waar Lixdan Wasiir ayey leedahay ee marka ay wax walba wareejiso, maxay lixdanka wasiir xukumayaan”.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa uu Guddoomiye Cirro badbaadinayaa, oo Mudanayaashu badbaadiyeen Hantidii iyo  Haamihii Shidaalka ee uu Qaranku lahaa, waxay Xukuumadda iyo huwanta la socota ee ah Shirkadaha xaaran ku naaxa inay boob ku qaataan oo lacag laalush ah ku bedelaan Xildhibaanada badh ka mid ah codkooda, arintaas waa arin fool xumo ah, sida uu dhigayo xeer hoosaadka Dastuurku Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu isaga ayaa Golaha fura xidhi karana, qawaaninta iyo shuruucdana haddii aan lagu dhaqmina waxba jiri maayaan, waxayna tani muujinaya in Xukuumadda Kulmiye oo hore shuruucda ugu tumatay, maantana inay caddeysatay”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Bal aniga la’aantay cida wareejisa Haamaha aynu eegno”.

Xildhibaan Cali Mareexaan oo isagu ka mid ah Xildhibaanada Muxaafidka ayaa isna dhaliil u soo jeediyey Guddoomiyaha Wakiiladana waxaanu yidhi “Waxa uu Goluhu xaq u leeyahay in la soo hor dhigo sidii waligeedba dhici jirtay, imisa ayaad arkayseen Degreeto Madaxweynuhu soo celiyo oo uu Xeer ku soo celiyey oo golaha laga akhriyayo hortaagnaydeen, Toban Sanno ayaanu joognay oo Maalin walba Degreeto Madaxweye soo celiyo ayaa naloo akhriyey,  maxaa tan loo akhriyi waayey haddii uu Goluhu ku taageerayo iyo haddii uu tii hore taageerayaba, Golaha ayey u taalay,waa arin sharci laakiin mushkiladu waxa weeye marka aan sodon is la helana miridh inaad ka doodaan ayaan idiin diidayaa, oo waan idin jiidhsiinayaa, maalinta  aanu badnahanayna jeebada dambe ayaan gashanayaa oo waan feedhtamayaa, waxaasi hogaamin mahaa, masuuliyad maaha, madaxtinimo maaha”.

Xildhibaan Cadiqaadir Jaamac Xaamud oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “In Golaha buuq laga kiciyo, in la is laayo, waa laga qurux badan yahay, waxaana soo jeedin lahaa in sharciga la raaco, oo dagaalka iyo aflagaadada la iska daayo”

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo isna ka mid ah Xildhibaanada Muxaafidka ayaa yidhi “Waxa aan soo jeedinayaa in Shirgudoonka la kala diro, isla markaasna uu Goluhu cod u qaado in la kala diro, sababtoo ah nama wadi karaan shir gudoonka Maanta ku dagalamay golihii dhexdiisi ee la arkaayey,waxa aan leeyahay oo Xildhibaanada u soo jeedinayaa in la kala diro oo Mooshin lagu kala dirayana la keeno”