Hargeysa (Geeska)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mucaaradka ah ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyey eedo ka soo yeedhay doraad Xildhibaanada Muxaafidka ah ee Golaha Wakiilada, oo dhaliilo u soo jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, oo ay ku dhaliileen inuu qodobo uu ku darsaday Xeerka DIiwaangelinta ee loo gudibyey Golaha Guurtida.
Xildhibaanada Mucaaradka oo kala ahaa Xildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte ,Xildhibaan Maxamed Saalax,Xildhibaan Siciid Warsame Ismaacil (Gaane), Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Maataan), Xildhibaan Bashiir Tukaale, Xildhibaan Cabdiqadir Jibriil Tukaale, Xildhibaan Cali Sheekh Aareeye, oo Shalay si wada jir ah Xarunta Golaha Wakiilada Shir jaraa’iid ugu qabtay ayaa iyana dhankooda ka soo jeediyey dhaliilo iyo eedo ku waajahan Xukuumadda iyo Xildhibaanada Muxaafidka ah. Xiildhibaan Ibraahim Jaamac Rayte oo isagu Shirkaas Jaraa’iid ka hadlay ayaa ku eedayey Xukuumaddu sabab u ahayd isla markaana is hor taagtay in xildhibaanada Muxaafidka ahi ay yimaadaan Kal fadhigii caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada oo lagu ansixin lahaa Guddida Doorashooyinka Qaranka, waxa kale oo uu Xukuumadda ku eedayey inay xaqii Umadda lahayd meel kaga dhacayso, madaama Doorashada mugdi la galinayo, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Xukuumaddu waxay is hor taagtay in Xildhibaanada Muxaafidka ahi ay ka soo xaadiraan fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada oo lagu ansixin lahaa Guddiga Doorashooyinka isla markaana lagaga wada hadli lahaa Miisaaniyadda dalka ee sannadka 2015 oo ah shaqooyinka ugu waawayn ee Golahan ay shacabku u doorteen in ay ka shaqeeyaan,sababtoo ah midna waa Miisaaniayda Sannadeedkii dalka midna waa Guddidii Doorashooyinka Qaranka oo aanay la,aantood doorashooyinku inoo qabsoomayn,waxaa kale oo ay Guddida cusub ee Doorashooyinkana ku war galisay in ay ka maqnaadaan Golaha.’
Xildhibaan Rayte oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shicibku xuquuqda kaliya ee ay leeyihiin waa maalinta ay fartooda ku dooranayaan cidda ay taladooda iyo hogaankooda ku aaminayaan waxaa kaliya ee sidaa ay Xukuumaddu u yeelaysaana waa in ay maalinta kaliya ee ay shicibku xuquuqdooda aasaasiga ah ay ka talin karayaan in ay ka qaado.
Waxa ay Xukuumaddu sidan uu sheegay ay u yeelayso oo uu tilmaamay in ay tahay in cid aan shicibka ahayni in ay ka taliso oo ay hoggaanka dalka u dhiibto cid aan loo igman.
waxa la doonayaa in ay hoggaanka dalka cid gaar ahi ka taliso cidda qabanaysa oo ah Guurtida oo samanaysa muddo kordhin muddo kordhinina waxay ka hr imanaysa xuquuqda aad bulshooy u leedihiin in aad wax doorataan soona xulataan hoggaanka dalka aad ku aamiinaysaan,hadaba waxaan idiin sheegayaa in aaanay Xukuumaddu diyaar u ahayn in ay doorasho qabato,waxay is hor taagtay xeer sharci oo golaha ka baxay una gudbay golaha Guurtida,waxay ka hor timi in guddiga sucub ee doorashooyinku hor yimaadaan golaha wakiiladda,waxaa guriga Madaxweyne ku-xigeenka lagu shiriyay xildhibaano iyo Wasiiro waxaana lagu qaatay go,aanka ah n aan laga qeyb galin fadhiga golaha wakiilada ee aan caadiga ahayn,hadaba waxaan bulshada u sheegayaa in aanay jirin gole wakiilo oo is haysta laakiin waxaa is haysta oo faro galin doorasho diid ah wadda Xukuumadda.”
Dhanka kale Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo isna Shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa dhaliilo iyo cambeerayn u soo jeediyey Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa, waxaanu Madaxweynaha ku eedayey in waxyaabo badan oo uu dhaliili jiray wakhtigii uu Mucaaradka ahaa uu hadda u badheedhayo, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu markii uu ahaa Mucaaradka waxyaabo badan oo uu Xukuumaddii hore ku dhaliili jiray ayaa jira oo uu imika si toos ah u sameeynayo, oo ah Shidaalka,waxa oo odhan jiray dalka ayaa la sumaynayaa, balse imika Macdan mamnuuc ka ah in dalka laga guro, oo haddii laga guro khatat keenaysa ayaa Gobolka Awdal laga soo saara”.
XIldhibaan Maxamed Siciid oo isna halkaas ka hadlay ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey xeerka Diwaangelinta ee Golaha Guurtidu ansixiyey, waxaanu sheegay in si khaldan oo aan sax ahayn loo soo celiyey, isla markaana khilaafka ka aloosan Golaha Wakiiladu ay Xukuumaddu dabada ka riiixayso.
Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Maataan), Xildhibaan Bashiir Tukaale, Xildhibaan Cabdiqadir Jibriil Tukaale, Xildhibaan Cali Sheekh Aareeye,oo iyana Shirkaas jaraa’iid ka hadlay ayaa si adag u dhaliilay Xukuumadda iyo Xildhibaanada Muxaafidka ah, waxayna sheegeen in khilaafka iyo murankan ka dhex aloosan Golaha Wakiiladu ay ka dambayso Xukuumaddu isla markaana ay doonayso inay Doorashadu dib u dhacdo.