Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo ka mid ah Xildhibaanda Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay xaalada Xoolaha, waxaanu sheegay in Xoolihi Somaliland aad u dayacan yihiin, oo dhibaato weyni ka taagan tahay Sayladii Xoolaha, waxaanu tilmaamay in iyada oo lagu jiro Carafo, oo ah wakhtigii Xoolaha ugu badan la iibsan jiray, in haddana aan la iibsan, waxaanu ku taliyey in wax laga qabto, oo dib loo eego.
Xildhibaan Wali Axmed Xaawa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Dal waliba wax buu ku horumaray, inaga horumarkeenu waa Adhiga, Baatroolkeenu waa Adhiga, meel ay marayaan Wasaaradda Maaliyadeed iyo Wasaarad Ganacsi midna lama arag, Dawladdii Hargeysa meel ay marayso lama arag, Saylada Hargeysa ayaan tagay laba cisho, Xoolihii Al-jabari baa loo xidhay, oo neefkii gaadhiga la soo saaray, ee soo daaqay, ee la hayey ee todobaatan dollar joogay ayaa afartan dollar la siinaya, dadkii reer miyigu wey dhiban yihin, waxa la doonaya oo meesha ka maqan masuuliyadii Dawladda, masuuliyaddii Baarlamaanka, maxaa yeelay maanta meel xoolihii daaqaan ma jiraan, Miyiga ilaa Magaalada oo dadku waxay ii sheegeen in meel kasta beer laga dhigay, oo Xoolihii meel ay daaqan aanay jirin, oo xittaa waxay ii sheegeen in calaa neef laga qaado laba kun marka la daajinayo, dhibaatada caynkaas ah ayaa dadkii haysta, xoolihiina lama iibsanayo”.
Xildhibaan Wali Axmed Xaawa mar uu baaq u diraayey Xukuumadda iyo Xisbiyada ayaa yidhi “Waxaan qaylo dhaan u dirayaa Wasaaraddaha arintani khuseeyso, Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qaranka, waxaana leeyahay Doorashana la iskugu iman maayo haddii dhaqaalihii kowaad ee dalkani lahaa waxaas ku dhacay aan waxba laga qaban, waa Carafo, haddana dadkii reer Miyiga ahaa iyo Xoolihii wey isla dhiban yihiin, oo cid iibsanaysa xoolihii lama hayo, waxaan leeyahay balaayo madax la qabto ayey leedahay ee daba la qabto ma leh, ee masiibada ku dhacday sayladii xoolaha iyo dhibka ka taagan wax ha laga qabto”.