Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Nacnac oo ka mid ah golaha wakiilada, ayaa isagoo horkacaya dadweyne reer Hargeysa ah, wuxuu khamiistii u gurmaday gaadhi sida dad iyo xoolo abaarta darteed ka soo hayaamay gobalada bari, kuwaas oo uu gaadhigii ay saarnaayeen kula cadilmay badhtamaha Hargeysa.
Xildhibaan Nacnac ayaa dadkaas gaadhsiiyay raashin, timir iyo hu’ ay dhaxanta ka huwadaan kana xidhaan, waxaanay sidoo kale baabuurkii ka dejiyeen xoolo adhi u badnaa oo darxumo darteed ku geeriyooday gaadhiga dhexdiisa.
Dadweynihii gaadhiga saarnaa oo ka soo hayaamay abaarta gobalka Sanaag iyo xildhibaanka iyo dadka kale uga mahadceliyay gurmadka ay gaadhsiiyeen, waxaanay Alle uga baryeen inuu miisaanka xasanaadka ugu daro.
Maalin kasta waxa magaalada Hargeysa dhex mara baabuur ay saaranyihiin dad iyo xoolo ka soo hayaamay gobalada bari, kuwaas oo ku sii jeeda gobalada galbeed ee Somaliland.
Abaarta ayaa u muuqata inay ku soo fidayso deegaanada kale ee Somaliland, waxaanay qaylo dhaan abaareed ka soo yeedhaysa deegaanada Koonfureed ee gobalka Maroodi-jeex.