Hargeysa(Geeska)-xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa maamulka Puntland u diray farriin digniin ah oo uu ugu baaqay inay joojiyaan daandaansiga ay ku hayaan Somaliland.
Xildhibaan Nacnac, wuxuu sidoo kale soo dhaweeyay guddiga aqoonsi raadiska oo uu ku tilmaamay mid loo baahnaa oo wakhtigeedii timid “Si wanaagsan ayaan u arkaa, waana guddi loo baahnaa, in ictiraaf raadinta guddi loo sameeyo oo dad wax garanaya oo odayaal ah ayaa ku jira, markaas waxaanu dadka Yurub jooga ka codsanaynaa inay sameeyaan mudaharaado ay aqoonsi ku dalbanayaan oo ay adduunka u sheegaan in Somaliland ay Somaliya ka hor qaadatay xorriyadeeda, adduun weynuhu hana ictiraafo ayaanu leenahay, waa in la is abaabulaaa oo la sameeyaa dibad baxyo. markaas guddigaas anigu waan taageersanahay.” ayuu yidhi xildhibaanka oo ugu horayn ka jawaabayay sida uu u arko guddigaas.
Xildhibaanku, wuxuu kaloo ka hadlay farogelinta Puntland, waxaanu yidhi “Waxaan digniin u dirayaa Puntland, waxaanan leenahay aynu noqono dad jaar ah oo walaalo ah, hana daandaansanina, hadaad na daandaansataan xabadihii hore ayaa nagu soo kici dooona, waxaanu leenahay ha daandaansanina.”
Xildhibaan Nacnac, waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo Alle ka baryay inuu umadiisa raxmadiisa u shubo.