Xildhibaan Naasir Cali Shire Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Caaqil Fuaad

0
530

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire, oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa si adag u beeniyay hadal ka soo yeedhay Caaqil Fu’aad Cabdillaahi Ciise (Dhabbo), kaas oo ahaa inuu xildhibaanku sheegay inay doorteen  malaaqa Awal Bari.

Xildhibaan Naasir, oo la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu beeniyay inuu hadalkaas yidhi, “Meelna kamaan odhan, mana aha wax jira in la samaynayo malaaqa Awal Bari. Anigu hadalkaas maan odhan, meel lagu yidhina ma ogi.” Ayuu yidhi xildhibaanka oo daba socda dhawaaqaas Caaqil Fu’aad oo shalay ku soo baxay Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Arrinkaasi mid aniga ii y aala maaha, waxaanay ahayd caaqilku wuxuu hubo inuu umadda u baahiyo.”

Picture1