Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Salaax Cige, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay loolanka Musharaxnimo ee ka dhex jira Xisbiga Kulmiye, waxaanu kula taliyey dhammaan Musharixiinta tartamaya in si sharciga waafaqsan oo cadaaladi ku jirto u tartamaan, oo aanu loolankoodu ama tartankoodu aanu abuurin dhib iyo sharci daro.
Xildhibaan Maxamed Salaax Cige oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Nabadgaliyada iyo qiimaha ay leedahay, waxaanu ku baaqay in la ilaaliyo nabadgaliyada, waxaanu Xukuumadda kula talinayey in aanay horseed ka noqon nabadgaliyo daro dhacda, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Aniga oo Xisbiga Waddani ka tirsan, oo aan ku jirin Xisbiga Kulmiye,haddana waxa muhiim noqotay in aan ka yara hadlo oo aan talo u soo jeediyey Musharixiinta loolamaya, ee XIsbiga Kulmiye dhexdiisa ku tartamaya, waxaana kula talinayaa, kuna boorinayaa dhammaan musharixiinta kala duwan ee tartamaysa inay si cadaalada ah, oo sharciga waafaqsan ku tartamaan, oo ay iska ilaaliyaan sharci darada iyo inay is musuqaan, waxa aan kula talinayaa inay si xalaal ah ku kala baxaan, waxa aan kula talinayaa inay iska ilaaliyaan wax walba oo dadka iyo dalkaba dhib ku keenaya, haddii aanu nahay Xisbiga Waddanina Musharixiintu waa isku kaaya mid oo Musharax walba oo soo baxa diyaar ayaanu u nahay in aanu la tartano”.
Xildhibaan Maxamed Salaax Cige ayaa mar uu ka hadlaayey Nabadgaliyada ayaa yidhi “Nabadu waa shay qaaliya, oo marka sida loo helo Nabad buuxda aad ayey u adag tahay, sida loo burburiyana aad ayey u fududahay, inagu haddii aynu nahay Somaliland qofka walba uu og yahay waddadii aynu u soo marnay hagaajinta iyo hirgelinta Nabada, maantana uma taaghayno Nabadgeliyo daro dalka laga abuuro, waxaan Shacabka Somaliland ku boorinaya inay nabadooda ilaashadaan, waxaana sugida amaanka dalka iyo dadkaba ka masuul ah Xukuumadda, oo uu xil ka saaran yahay, sida aynu arkaynana haddii aanu nahay Golaha Wakiilada waa anagii hore u laalnay mooshinkii ay Xukuumaddu ku doonaysay inay ku wareejiso Haamaha, haddana si sharci daro ah ayey ku wareejisay,wareejinta Haamaha sida ay dadku uga xanaaqeen iyo xiisada ay kicisay weynu aragnaa, ee Xukuumaddu sharciga ha ilaaliso”