Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Oo Musuq Ku Eedeeyay Wakiilada Iyo Xoghayaha Golaha Oo Beeniyay

0
596

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, oo ka tirsan golaha wakiilada, ayaa golihiisa uu ka tirsanyahay ku eedeeyay musuqmaasuq iyo wax isdaba marin, waxaanu shirguddoonka oo isku duuban ugu baaqay inay is casilaan.

xxxxxxxxxx

xildhibaan Maxamed, oo guddoomiye u ah guddiga ilaalinta hantida qaranka, ayaa waxa shalay saamaysay isku bedel lagu sameeyay guddiyada golaha, iyadoo lagu daray inuu xubin ka noqdo guddiga arrimaha dibadda.

Xildhibaan Xirsi, oo saxaafadda la hadlay, wuxuu sheegay inuu maanta soo bandhigi lahaa warbixin maamul xumo iyo musuq oo uu sheegay inay golaha ka jirto, iyadoo uu xoghayaha guud ee golahaasi; golaha ka difaacay eedaha xildhibaanka.  “Waxay xamili waayeen warbixintii beri [maanta] laga akhiryi lahaa golaha, waxaanay ka hordhaceen oo ay is yidhaahdeen guddiga guddoomiyahooda bedela, laakiin mid aanu kaga hadhayno maahee, waxaanu leenahay golaha baadhitaan rasmi ah ayaa lagu samayn doonaa.”

Hase yeeshee Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, oo isna u waramay telefishanka Star, ayaa dedefeeyay eedaha xildhibaanka, “Arrintaas musuqmaasuqa ee uu xildhibaankani sheegay wax alla wax ka jiraa ma jiraan.” ayuu yidhi xoghayuhu, isagoo intaas sheegay in hay’ad baadhiseed oo ay UNDP maalgelisay ay golaha wakiilada siisay shahaadada ugu wanaagsan ee maamul wanaaga, “Markaas wax musuqmasuqa ooh aba yaraate golaha wakiilada ka jiraa ma jiraan.” ayuu yidhi xoghayuhu.