Xildhibaan KULMIYE Ah Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Boob Dhul Oo Berbera Ka Socda

0
601

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga KULMIYE, ayaa xukuumadda ku eedeeyay inay bixinayso dhulkii qadiimiga ahaa ee Berbera caanka ku ahayd, waxaanu sheegay in xukuumadda dambe ee bedesha xukuumaddan Axmed Siilaanyo ay dib u soo celin doonto hantidaas la boobayo.

Xildhibaanka oo u waramay Bulsho Tv, wuxuu sheegay in magaalada Berbera ay ku habsatay ayaandaro weyn oo aanay la qabin magaalooyinka kale ee Somaliland, “Magaalada Berbera ayaan daro weyn ayaa ku habsatay oo aan gobalada kale la qabin, dhul boob ayaa ka dhacay oo xeryihii milatariga ee qaranku lahaa ayaa la dabo goostay oo wax alaala wax ka nooli maanta aanay jirin, xeryahaas oo ahaa xeyrihii qaranku lahaa ee saldhigii uu inoo sameeyay midowga Soofiyeeti oo astaanta qaranka koow ka ah oo ay ka mid yihiin xeradii carbiska, xeradii mayaag, BBC-dii oo astaantii ugu weynayd ahayd oo ahayd dhulka Alle xayndaabka ugu sameeyay inuu dekedda ilaaliyosiI aanay dekedu u aasmin, halkaas oo ka mid ah astaamaha Berbra ee qadiimiga ah, Noobiyadii ayaa la mid ah ee minashiibiyada Berbera astaanteeda ahayd ayaa la qaatay, waxaan u mahadcelinayaa maareeyaha dekedda oo warqad u soo qoray madaxweynaha oo ka hadlaya inaan raasiga la bixin, waanan ku hambalyanayaa maareeyaha, laakiin lagama hoos qaadin.” ayuu yidhi Xildhibaanku, waxaanu intaas raaciyay “Dhabar jab ayay qaranka ku tahay in hantidii faqashtu ka xishootay ee hantidii qaranka ahayd in qaab bililiqo ah loo boobaa, waa qaran jab waxaanan rajaynayaa xukuumadda dambe ee timaadaa inay hantidaas u soo celiso dib.”

Xildhibaanku wuxuu shirkadda DP world ku eedeeyay inay sabab u tahay sicir bararka dalka ka jira, isagoo sheegay in dhaqaalaha ka soo xerooda dekedda Berbera ay DP world u xawisho dalka Imaaraadka Carabta.