Xildhibaan Kulmiye Ah Oo Sheegay In Wakiilladu Xaq U Leeyihiin Wax-Ka-Beddelka Dhimista Miisaaniyadda

0
480

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan (Xildhibaan Cumar Sanweyne), kana tirsan Xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, ayaa ka hadlay Digreetada uu Madaxweynuhu soo saaray dhowaan ee ku saabsan in kharashka Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadkan la dhimo, waxaanu sheegay in Digreetadan ay Golaha Wakiiladu xaq u leeyihiin in wax ka bedel ay ku sameeyaan.

Xidhibaan sanwayne

Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan (Xildhibaan Cumar Sanweyne), oo uu Geeska Afrika arrintan wax ka weydiiyey ayaa sidoo kale sheegay in Gole ahaan ay waajib tahay in Digreetada Madaxweynaha ay tixgeliyaan isla markaana ay ansixiyaan waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya “Digreetada uu Madaxweynuhu soo saaray, soona jeediyey in kharashka miisaaniyadda sannadkan 2016 la dhimo, annaga Gole Wakiillo ahaan is bedel waanu ku sameeyn karnaa, laakiin in soo jeedinta Madaxweynaha iyo Digreetada uu soo saaray aanu Gole ahaan tixgelino oo aanu ansixino ayaa nagu waajib ah, waana aanu ansixin doonnaa”