Xildhibaan Ka Mid Ah 4-tii Mudane Ee Guurtida Ka Tirsanaa Ee Muddo Kordhinta Diiday Iyo Aragtidiisa

0
538

Picture3Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali Xasan, oo ka tirsan Xilidhbaanada Golaha Guurtida, isla markaana ka mid ah afartii Xildhibaan ee diiday muddo kordhinta ay Guurtidu u sameeysay Xukuumadda, ayaa naqdiyay muddo kordhinta.

Xildhibaan Maxamed Wali Warsame Cali isaga oo wareysi gaar ah siiyey  Wargeyska Geeska Afrika ayaa  Madaxweynaha kula taliyey inuu xilka Guddoomiyaha Maxkamada u magacaabo Beesha Sool.

Ugu horayn wuxuu yidhi  “Anigu waxa aan ka mid ahay Afartii Xildhibaan ee diiday muddo kordhinta Xukuumadda ay Guurtidu u sameeysay. waxaan u arkaayey inay muddo kordhitani tahay mid khalad ah oo keenaysa inay dadku iska hor yimadaan, oo nabadgeliyo daro keeni karta, anagu waxa aanu kordhin karnaa oo aanu Xukuumadda xilka u kordhin karnaa iyada oo dalka aafooyin ka dhacaan, waxa se iska leh qabsoomida Doorashada Komishanka, Doorashadu inay dhacayso, wakhtiga ay ku dhacayso iyo in aanay dhacayn waxa iska leh oo sheegaya Komishanka Doorashooyinka.”

Xildhibaan Maxamed Wali mar uu ka hadlaayey baaqa Beesha Caalamka iyo Gogosha ay Xukuumaddu ku baaqday ayaa yidhi “Xal ayaan u arkaa haddii laga wada hadlayo wixii la isku hayey, waxaan u arkaa in nabadgeliyadu wanaagsan tahay intii dhib dhici lahaa, waxaana haboon in waxa laga wada hadlayo la eego.

Wakhtigii hore ee muddo kordhinta loo sameeyey Xukuumaddii Daahir Rayaale haddii aanu Golaha Guurtida nahay Lixdii Qodob ayaanu ku saleenay, Golaha Guurtida ee hadda jooga ayaa yidhi lixda Qodob ee Caalamka inala og yahay waa inaynu isticmaalna, iyada oo wakhtigaas Xisbiyadu  is diidanaa iskana soo horjeeday, balse hadda wey is raacsan yihiin, Dawladdu wey raacsan tahay, Komishanku wey raacsan yihiin, Caalamkii lacagta ku bixinayey arintan Doorashada iyo Diiwaangelinta wey raacsan yihiin, ee  Guurtidu inay ku deg degto muddo kordhintan aad ayaa looga wanaagsanaa, Caalamka ayeynu waxa ka doonaynaa, oo inta badan hawlaha Doorashooyinka iyaga ayaa inaga caawiya, muddo kordhintana aad ayey u diideen, in Caalamka wixiisi la doonto, wuxuu yidhii yeelana ilama aha in la hayo shuruuc lagaga kaaftoomo”.

Xildhibaan Maxamed Wali mar uu ka hadllaayey saamiga ay beeshiisi ay ku leedahay Xukuumadda iyo codsi uu Madaxweynaha u diray ayaa yidhi “Wax qeybsiga, cadaalad u sameeynta, ama xaqiiqda marka la hadlayo, waxyaabaha ugu sareeya ee waxa lagu qiimeeyo waa wax la garan karo, markaas madaama Beesha Dhulbahanta aanay xilal sare ka haynin Somaliland, waxaan Madaxweynaha kula talinayaa inuu xilkaas Guddoomiyaha Maxkamada sare uu u magacaabo reer Sool, sida la wada og yahayna xilalka sarsare ee daka, sida Wasaaradda ugu waaweyn dalka, Taliyayaasha iyo Hogaanada dalka waxba kama hayo Beesha Dhulbahante, markaas in xilkan Guddoomiyaha Maxkamada sare loo magacaabo xaq ayey u leeyihiin.

Dhanka kale inta badan Gobolada Barri aad ayey u dayacan yihiin, iyaga oo Goboladani yihiin Gobolada ugu balaadhan dalka, haddii ay noqoto Doorashooyin iyo haddii ay noqoto Diiwaangelinta goobaha ay ka dhacaan aad ayey u kooban yihiiin, ee waxa aan soo jeedin lahaa cadaalada ha loo sinaado, oo si xaq ah wax ha loo wada qeybiyo.”