Hargeysa (Geeska)-Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii shalay kaga dooday qodobo ay ka mid yihiin qadiyada madax banaanida Somaliland,qaabka ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku heli karto aqoonsi caalami ah, xaalada nabad galyada ee dalka iyo wada hadalada soomaaliland iyo soomaaliya.
xildhibaan Siciid Xuseen Huruuse oo ka mid ah guddida arimaha dibada ee golaha guurtida oo isagu hadal ka jeediyey fadhiga mudanayaasha ayaa si adag uga hadlay qadiyada ictiraaf raadinta Somaliland, waxaanu tilmaamay inaan ilaa hada la garan sida ugu wanaagsan ee ay Somaliland ku heli karto ictiraaf caalamiya waxaanu yidhi “Waxaynu nahay dal doonaya inaynu caalamka ka helno aqoonsi , sidaas oo ay tahayna maynu marin dhabihii saxda ahaa ee aynu aqoonsi ku heli lahayn, tusaale ahaan Soomaaliland iyo somaliya dal kaliya ayey isku ahaayeen waxaana la isku odhan jiray soomaali weyn, urur goboleedka IGAD oo ay ku midoobeen wadamada Geeska Afrika waxa uu si toos ah ula shaqeeyaa soomaaliya oo aynu aragno xaalada ay ku jirto.”
sidoo kale xildhibaan iciid Xuseen Huruuse waxa uu soo jeediyey in la xoojiyo siyaasada arimaha dibada waxaanu mar kale yidhi “Haddii aynu soomaaliland nahay waxa inala gudboon haddii aynu aqoonsi doonayno inaynu xoojino siyaasada arimaha dibada, si wadamada beesha caalamka uga dhaadhicino inaynu nahay dal jira oo aqoonsi doonaya, waxa kale oo inala gudboon inaynu wadamada caalamka ku y eelano diblamaasiyin ku xeel dheer siyaasada arimaha dibada kuwaas oo qadiyada soomaaliland u ololeeya, waxaana inala gudboon inaynu iskaashi xoogan la yeelano wasaarada arimaha dibada si ay u bartaan waxaynu nahay iyo heerka dalkeenu marayo, markaas si yar oo aad u fudud ayeynu ku heli karnaa aqoonsiga laakiin maaha in meelo soke lagu meeraysato.”