Xildhibaan Ciidanka Booliska Ku Ammaanay Hawlgalka Ay Ku Soo Qabteen Maleeshiyaadka Wabar

0
616

xasan aadanHargeysa (Geeska)-Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ka hadlay weerarkii dhawaan lagu qaaday Badhasaabka Gobolka Awdal, waxaanu sheegay in Weerarkaas lagu soo qaaday Somaliland, balse ay Xukuumadda iyo Ciidamada Somaliland kaalintoodii ka qaateen, kuna amaanayo.

Xildhibaan Jaamac Xasan Aadan oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay Haamaha oo uu ka digay in lagu wareejiyo cid gaar ah waxaanu yidhi “Weerarkii ka dhacay Awdal, si gaar ahna loo weeraray Guriga Badhasaabka Gobolka Awdal, waa weerar ka turjumaya in Somaliland oo dhan la soo weeraray, loona soo badheedhay, waxa aan se Xukuumadda gaar ahaan Ciidanka Booliska ku amaanaya geesinimada ay muujiyeen iyo sida ay u soo qabteen raggii falka geystay, waxa se ku talin lahaa in cidii dambi lehna sharciga la mariyo,cidii aan lahayn ee xidhana in la soo daayo, mar walbana laga feejignaado waxyaabahan oo kale si aanay mar kale u dihcin”. Xildhibaan Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey Haamaha waxa uu yidhi “Haamaha waxa wada leh Somaliland, in cid gaar ah lagu weerijana dhib ayaa ka imanaya, oo cida lagu wareejiya sida ay doonto ayey ka yeelaysa, waxaana wanaagsan in aanay Xukuumaddu wareejin, sabab alaale sabab ay u wareejinayso iyo baahi keenaysa inay gacanteeda ka baxdo, garan maayo, waxaana Xukuumadda kula talinayaa inay aanay ku deg degin wareejinta haamaha”