Xildhibaan Cabdiraxman-Dheere Oo Ganacsatada Ugu Baaqay Inay Jabiyaan Maceeshadda

0
492

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,gaar ahaan Guddida Arimaha Bulshada, kana tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa hadlay Maceeshada, waxaanu Ganacstada kala duwan ee Somaliland ugu baaqay inay dadka u naxariistaan, oo madaama qiimihii lacagta sarifka ee Doolarku hoos u dhacay inay iyana maceeshada jabiyaan.

1

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay mawqifka ay Beesha Caalamku ku diidan yihiin dib u dhaca Doorashada Madaxtooyada, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlay qiimaha sarifka lacagta doolarka “Waa loo baahnaa in sicir bararka wax laga qabto si lacagteenu qiimo u yeelato, balse markaad lacag doolar ah sidato inta qiimihii la gooyo ayaa lagu siinayaa lacag kaash ah,  laakiin gacanta dambe markaad lacag doolar ah doonayso lama helayo lacagtii doolarka, maxa yeelay  lacagtii doolarka ahayd ayaa la urursanayaa, oo marka aad lacag doolar hayso waa laga sarifanayaa, marka aad doonaysana heli maysid, markaa waa in xal loo helaa, oo Xukuumaddu xal u heshaa,oo Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga dhexe xal deg deg ah keenaan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere isagoo ka hadlaya Maceeshada wuxuu yidhi “Dadka Ganacsatada ahi waa inay dadkooda u naxariistaan, waa inay hoos u eegaan dadkooda masaakiinta ah ee boqolkii doolar waxba u tari waayeen, imikaba qiimaha doolarka  qasab baa lagu riday  ee  intii la qasbi lahaa Ganacastada oo la odhan lahaa kilooga Bariiska ah intaas ku iibiya, waa inay iyagu is xilqaamaan, oo dadkooda u naxariistaan”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey mawqifka beesha Caalamka ee ay ku diidan yihiin dib u dhaca Doorashada iyo heshiiska Xisbiyada Somaliland ayaa yidhi “Dalkeena abaar baa ka jirta, dadkeena dhibaato ayaa haysata, markii ay isku yimaadeen Xisbiyada Qaranku in badana wada tashadeen, xaalada guud ee dal iyo dadkaba eegeen, waxay isla garteen in dalka aanay Doorasho ka dhici karin, dadkuna aanay gali karin Doorashada,  mudada todobada bilood ee Doorashada dib loo dhigayna waa wax lagu heshiiyey, ee Beesha Caalamku ha ku eekadaan caawimadooda, oo arimaheena gaarka ah yaanay soo dhex galin, wadana arimihiisa gaarka ah laguma maamule”.