Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere Oo Ku Baaqay In La Kala Saaro Fashilka Xukuumadda Ee Sicir Bararka iyo Xisbiga KULMIYE

0
523

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye, ayaa ka hadlay sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu tilmaamay inay Xukuumaddu ku fashilantay inay xal u hesho sicir bararka. 

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay saamaynta uu sicir bararku ku yeelan karo Xisbul xaakimka Kulmiye Doorashada fooda inagu soo haysa, waxa kale oo uu ka hadlay dhaliisha Xisbiyada Mucaaradka, loolanka ka dhex taagan Xisbiyada iyo kaadh qaadashada, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlay sicir bararka uu yidhi “Halkii Doolar  wuxuu ku dhaw yahay Toban kun, Tobankii doolar waxay ku dhaw yihiin Boqol kun, Boqolkii Doolarna wuxuu ku dhaw yahay hal milyan, Maceeshadiina halkay marayso weynu ka war haynaa, wax walbana qaali bay noqdeen, oo sare ayey u kaceen, Xukuumaddii loo baahnaa inay wax ka qabatana, waxba kamay qaban, wali dalkeenu muu gaadhin halka uu maanta sicir bararku marayo, masuuliyiintii sida gaarka ah u khuseeysay inay wax ka qabtaana waxba kamay qaban, Guddii loo xilsaarayna waxba kamay qaban oo wey ku fashilantay, waxaanad mooda inay Xukuumaddu aanay ka war haynba sicir bararka dalka ka taagan iyo dhibaatada dadka haysata, oo waa kuwaas oo waxaynu arkaynaa in Safarada Dibadda lagu kharash garaynayo lacag aad u badan iyadoo dadkii baahan yihiin culaysna saaran yahay”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar aanu wax ka weydiinay saamaynta uu sicir bararku ku yeelan karo Xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Doorashada Madaxtooyada ayaa yidhi “Dhaliisha sicir bararka waxa iska leh oo ka masuul ah Xukuumadda, ee Xisbiga Kulmiye masuul kama aha, Xisbiyada Mucaaradkuna maaha inay kaga dhegto Xisbul xaakimka Kulmiye wuu ku fashilamay inuu wax ka qabato sicir bararka, ee intay wax iska dhaliilayaan waxa u haboonayd in talo iyo qorshe la yimaadaan, oo ay ka fikiraan sidii sicir bararka meesha looga saari lahaa, balse anagu haddii aanu Kulmiye nahay waxaanu doonaynaa in aan Kulmiye lagu shanbadayan dhibka sicir bararka, ee dhaliisha iyo fashilaada sicir bararka Xukuumadda ayaa iska leh, inuu shaasho ku noqdo Xisbigana maaha, waxaana qorshaha noogu jirta haddii Rabi idmo haddii aanu taladda dalka ku guulaysano haddii aanu Kulmiye nahay in aanu SIcir bararka wax ka qabano, oo aanu la nimaadno siyaasad cad oo wax lagaga qabanayo”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar aanu wax ka weydiinay loolanka Xisbiyada iyo ololaha lagu eedaynayo ayaa yidhi “Horta anagu haddii aanu nahay Xisbiga kulmiye, deeganaada aanu marayno wax olole ah kama wadno, Deegaano ay ka mid yihiin Salaxlay iyo Babilgubadle iyo waliba deegaano kale oo badan oo aanu soo marnay waxaanu dadka ku boorinaynay kuna wacyigelinaynay inay kaadhadhka qaatan, balse Xisbiyada Mucaaradku iyaga ayaa wada Olole,maaha inay olole ay iyagu wadaan inay dusha naga saaran”.