Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Garsoorka iyo Cadaalada ee Golaha Guurtida Maxamed Xareed Rooble. ayaa ka hadlay Garsoorka, waxaanu sheegay in tan iyo markii xilka Guddoomiyaha Maxkamada sare loo magacaabay Aadan Xaaji Cali in Garsoorkii wax badani iska badaleen.
Xildhibaan Maxamed Xareed Rooble oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa isaga oo arintan ka hadlaya waxa uu yidhi “Tan iyo markii uu Madaxweynuhu u magacaabay xilka Guddoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali, Garsoorkii wax badan ayaa iska badalay, dadkiina yidiliilo ayaa gashay, oo waxa hadda ay dadku ku kalsoon yihiin in kiis walba oo Maxkamada ka gala in si nadiif ah oo cadaaladi ku jirto kiiskoodu loo galayo loona dhameynayo, kiisas badan oo muddo dheer lagu kala bixi waayeyna si yar oo fudud oo cadaaladi ku dheehan tahay uu u galay Guddoomiyaha Maxkamada sare u dhameeyey, waana ku amaanaya sida uu wax u wado, iyo sida wacan ee uu xilkiisa u gudnayo, in waaxaha kale ee dawladduna ku daydaan waaxda Garsoorka ayaan ku talin lahaa”