Hargeysa (Geeska)- Waa Qaybtii Labaad ee Qormadii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayey qaar ka mid ah xikmadaha iyo hal-ku-dhegyada kala duwan oo ay siyaasadda ka yidhaahdeen dad magac ku lahaa dunida oo ay ka mid yihiin siyaasiyiintii caan ka noqotay dunidu:
– Dadka oo dhan muddo waa aad khiyaamayn kartaa, dadka qaarkoodna weligaaba waad ku wadi kartaa khiyaamo, laakiin dadka oo dhan weligaa ma khiyaamayn kartid. (Abraham Lincoln, Madaxweyne hore oo Maraykan ahaa)
– Dimuqraadiyaddu waxa ay kuu fasaxaysaa in aad u codayso murashaxa aad ugu nacaybka yar tahay. (Robert Byrne oo ahaa qoraa Maraykan ah)
– Dunida cidda burburinaysaa ma’aha shar-wadayaasha, balse waa kuwa daaanaya ee aan wax ficil ah samaynayn. (Einstein)
– Ummad kasta oo xorriyaddeeda ku beddelata ammaan in ay heshaa, labadaba waa ay weydaa uun. (Benjamin Franklin oo ka mid ahaa aasaasayaashii jamhuuraiydda Maraykan)
– Ilmaha yari in uu madowga ka baqo waa aynu ugu dulqaadan karnaa, laakiin in ninku uu ilayska ka baqaa dulqaad maleh. (Plato)
– Run kastaa waxa ay soo martaa saddex marxaladood: bilowga oo la quudhsado, (macno darro loo arko), marka labaad oo colaad iyo qallafsanaan lagu caabbiyo iyo ugu dambaynta oo ay noqoto arrin aanay laba cali ku murmin runnimadeeda. (Arthur Schopenhauer oo ahaa Faylasuuf Jarmal ah)