“Xayla-Salaasa Ayaa Hore U Yidhi Dekada Jabuuti Waa Sanka Itobiya, Inagana Waa Inoo Sharaf Inay Dekadeena Isticmaasho”

0
759

20141114_202413Hargeysa (Geeska)-Mulkiilaha Guuleed Hotel ee Magaalada Hargeysa  Ganacsade Cali Cumar Guuleed, ayaa ka hadlay Weftigii Wasiiradda ee ka socday dalka Itoobiya, ee dalka Safarka ku yimid, waxaanu sheegay in Safarkaasi yahay mid Somaliland qiimo  weyn ugu fadhiya, magaca iyo maamuusna u soo jiidaya Somaliland.

Mulkiilaha Guuleed Hotel ee Magaalada Hargeysa Cali Guuleed ayaa sidoo kale wax weyn oo Somaliland qiimo weyn ugu fadhiya ku tilmaamay in Dawladda Itoobiya ay  Dekadda Berbera isticmaasho, isaga oo sheegay inay dad badan oo Somaliland ka mid ahi ay shaqo ka helayaan.

Cali Cumar, oo xalay u waramay Geeska Afrika, wuxuu ugu horayn yidhi  “Waxaan aad iyo aad u soo dhaweeyaynayaa, oo aan ku faraxsan ahay weftigii cuslaa ee ka socday Dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, ee iskugu jiray Wasiirada iyo Madax ka socda Iitoobiya, weftigaas oo uu hogaaminaayey Wasiirka Maaliyadda ee dalka Itoobiya, waxaana wax weyn ah in madaama aynu Dawladda Itoobiya jaar cilaaqaadna leenahay inay imaashaha Weftigaas culusi uu xidhiidhkii labadeena dal uu sii xoojinayo, taas oo ay xita Shalay (Doraad), ay booqasho ku tageen Dekada Berbera, sidoo kale waxa aan aad ugu farxay in aniga oo dano gaar ah ku leh Mansoor Hotel in aanu Weftigaas Wasiirada ah iyo Wasiiradda dalkeena aan ku arkay halkaas, waana inoo sharaf”.

Mulkiilaha Guuleed Hotel ee Magaalada Hargeysa oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Boqorkii Itoobiya Xayla-salaasa ayaa hore u yidhi Dekada Jabuuti waa Sanka Itoobiya iyo halka ay Itoobiya ka neefsanayso, markaas inaga Somaliland ahaan waa inoo sharaf in Dekadeena Itoobiya ay isticmaasho, oo xitaa dad badan oo reer Somaliland oo bilaa shaqo ah ayaa shaqooyin ka heli lahaa, iyada oo Dekadeena Berberi ay tahay Dekad caalamiya oo meel istaaratiijia ku taala inay tahay Sankii Itoobiya ay ka neefsanaysay, oo haddii ay xitta hagaagto Muqdsiho, Dekada Muqdishina waxa ay noqon lahayd Sanka Itoobiya, markaas inaynu xidhiidh qoto dheer oo Ganacsi aynu yeelano Itoobiya waa mid muhiim ah”.

Mulkiilaha Guuleed Hotel oo baaq dirayaa kana hadlaya xaaladda taagan wuxuu yidhi  “Waxaan ku baaqayaa in xaalada la dejiyo, oo ilaalinta Nabada, Amaanka iyo xasiloonida dalka lagu dadaalo, oo la dhameeyo, lana soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Golaha Wakiilada.”