Xasan Sheekha Somalia Oo Ku Fashilmay Sugida Amniga Xamar

0
563

Picture5Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu eedeeyay inuu ku fashilmay sugida amniga magaalada Caasimadda u ah dalkiisa ee Muqdisho, iyadoo maalmahan Ramadaanta ay weeraro joogta ahi ka dhaceen.

Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ramadaanta ka hor cadaysay inay samaysay ciidamo amniga sugi doona iyadoo mashruucaas loo bixiyay nabad ku afur. Laakiin dhawrkii maalmood ee u dambeeyay waxa Muqdisho lagu dilay xildhibaan, askar Boolis ah iyo dad kale. Waxaanay xildhibaanada Baarlamaanka Muqdisho ku eedaynayaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisu inay ku fashilmeen sugida amniga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka tirsan baarlamaanka Somaliya, ayaa shalay sheegay in amniga xildhibaanadu dayacanyahay.

Mr. Dalxa wuxuu sheegay in aanu jirin wax Masuuliyad aad u buuran oo dowladdu iska xil saartay ammaankooda taas oo uu ku micneeyay sababta mar kasta loo bartilmaamsado Xildhibaanada.

“Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa la sheegaa in ay leeyihiin ama wataan gaadiidka aanu xabada Karin ee loo yaqaan Buladuruuf  halka Xildhibaanadu ay saaran yihiin gawaadhi meel fog fog xittaa laga beegsan karo.” Ayuu yidhi Mr. Dalxa.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanadii Somaliya ayaa isna sheegay In Howl galkii Nabad ku afur uu noqday Naxdin ku Afur.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo Baarlamaanka Soomaaliya isna ka tirsan ayaa sheegay in Nabad gelyada oo la xaqiijiyaa aanay ahayn wax hadal ku kooban balse ay tahay mid u baahan ficil iyo wax qabad.

Dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa marka laga tago gobalada kale ee Somaliya ee ay ciidamada AMISOM u qabteen, waxa ay tahli kari la’dahay inay sugto amniga magaalada Muqdisho