Xasan Guure Oo Si Adag Uga Hadlay Dhibaatada La Gaadhsiiyay Mujaahid Axmed Jabaan Iyo Qoyskiisa

0
558

Picture5Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay si deg deg ah sharciga  u hor keento cidii amarka bixisay iyo cidii toogatayba Caruurta Mujaahid Axmed Jabaan, waxaanu sheegay in Mujaahid Jabaan uu ka mid ahaa Raggii ugu mudnaa SNM, balse maanta la dulmiyey.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan  “Waxa aan aad u canbaaraynayaa dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xaafada Jig-jiga yar, ee lagu dilay, laguna dhaawacay Caruurtii Mujaahid Axmed Jabaan, oo runtii ahaa Mujaahid oo ahaa raggii ugu mudnaa SNM, waxa ayaan daro ah in maanta Mujaahid Axmed Jabaan abaalkiisi noqday in isaga iyo caruurtiisiba xabad lala dhaco, meeshii uu sharciga u haystay ee uu Labatanka Sanno deganaa, in la yidhaahdo Cagaf baa la marinayaa waa dhibaato weyn, dawladdana waxa aan leeyahay dadka xabada ka daaya, deg degna uga jawaaba cidii xabadaas riday iyo cidii amarkaas bixisay labadaba ha la soo qabto, waana masuuliyad dawladda saaran ee waa in deg deg loo soo qabtaa, haddii kale oo waxba laga qaban waayo, oo waxa ay inagu keeni kartaa kuwaas iyo kuwa la mid ahiba in nin walba qorigiisa qaato, haddii aanu nahay Madashana aad iyo aad ayaanu u canbaaraynaynaa”.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey dilka Saraakiisha ee muddooyinkii ugu dambeeyey soo kordhaayey ayaa yidhi “Dilka Saraakiisha waa arin aad iyo aad u adag, waa arin is weydiin leh, dhawr goor oo hore ayey dhacday waa in la is weydiiyaa, Dawladdu waa inay baadhitaan u dirtaa, oo waxa keenaya dilka Saraakiisha ogaata”