Hargeysa(Geeska)-Dadweyne reer Hargeysa ayaa shalay ka gadooday xarunta Hargeisa women’s club oo ay sheegeen in laga iibiyay ganacsade reer Hargeysa ah. Xaruntan ayaa hadda loo yaqaanaa dugsiga dhaqaalaha haweenka ee Xaaji Haweeya. Dadweynahan oo isugu soo ururay xaruntan oo dhinaca Koonfur ka xigta hoteelka caanka ah ee Maaweel, waxa kale oo weheliyay qaar ka mid ah macaliniin wax ka dhigta xaruntan, waxaanay sheegeen inay shalay yimaadeen xaruntan koox askar ah oo dareeriyay ilaaliyayaashii xarunta iyo weliba haween kale oo wax ku baranayay. Dadweynahan iyo macalimiintan oo warbaahinta la hadlay waxa uu mid ka mid ahi yidhi “Waxa la soo qaaday weerar dadkii ku jiray iyo haweenkii wax ku baranayayba waa la burburiyay oo cagtaa la mariyay. Askarna meeshii waa la keenay. Nin ayaa la leeyahay ayaa laga iibiyay ganacsade ah.” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadweynha meesha ka hadlay.
mid ka mid ah macalimiinta xarunta wax ka dhigta ayaa isna sheegay inay askar boolis ahi dareeriyeen macalimiinta, “Waxaanu nahay macalintii mudaawiciinta ahayd ee dugsiyada joogay, dhengad ayaa lanagaga soo saaray.”
Wasaaradda waxbarashada oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin. Hase yeeshe xaruntan ayaa muhiim u ah waxbarashada haweenka, waxaana wax ka barta haween tiro badan oo ka kala yimaada daafaha kala duwan ee caasimadda. Haddii uu iibkeedu run noqdo waxa ay noqon doontaa dhaawac soo gaadhay waxbarashada da’d ban ee Somaliland.