Xamarji Muxuu Ku Sababeeyay Is Casilaadiisa?

0
508

Picture7Hargeysa(Geeska)-Badhasaabkii gobalka togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), ayaa markii ugu horaysay ka hadlay is casilaadiisa.

Badhasaab Xamarji ayaa warbaahinta u sheegay inuu isku casilay arimo isaga u gaar ah, madaxweynahana si xishmad leh uu uga codsaday inuu is casilaadaas ka aqbalo.

Waxaanu sidaas ku sheegay mar uu warbaahinta la hadlaayay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  “Shalay oo jimce ahayd waxaan codsi ixtiraam,qadarin iyo xishood  badani ku dheehan yahay aan u qoray madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, kaas oo aan kaga dalbaday xaalad ii gaar ah aawadeed in aan ka fadhiisto shaqada xilkiina uu cid u diro,Safar ayuu ahaa ee Alle hasoo nabad celiyo marka uu yimaado ayaan jawaabta ka sugayaa,waxanan kula dardaarmayaa warbaahinta guud ahaanteed waxii malaa waal ah ee aan jirin in aanay baahin.”

Xamarji oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Anigu muddo sadex sano ah ayaan soo shaqaynaayay markaas intaan  shaqaynaayay xaaladii ii gaarka ahaa ayaan ugu baahday inaan is casilo,sidaas ayaanay ku gabo gabawday, waxaan beeninayaa waxii malaa waal ah ee warbaahinta la galiyay in aanay waxba ka jirin,waxaanan madaxweynaha ka codsaday duruuf ii gaar ah awgeed inaan shaqada u joojiyo, anigu saaka waxaan ahay mid qaranka u shaqaynaaya, hadaan shaqadii ka tagayna madaxweynaha waan garab taagnahay.”