“Xagla-Toosiye Geesnimo Ayuu Muujiyey”,

0
611

Picture3Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Ilays Cumar Cabdiraxmaan Cali (Ina Dube Cali Yare), oo hadda ah Siyaasi madax banaan, ayaa Wasiirka Caafimadka ku tilmaamay masuul xilkiisi ka soo baxay, oo ku dayasho mudan, halka uu Cali Khaliif Galaydhna ugu baaqay inuu ku daydo, oo uu iska daayo jabhadaynta.

Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedkii Ilays Cumar Cabdiraxmaan Cali (Ina Dube Cali Yare), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa sidoo kale ka hadlay marxalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, iyo Madaxweynayaashii taladda dalka u kala dambeeyey mid walba waxa uu soo qabtay, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi uu ku  bilaabay “Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye, waa masuul dhalinyaro ah, oo xilkiisi si fiican ugu soo baxay, geesnimana muujiyey,waana la ogaa sida uu ka yeelay Buhoodle iyo dadkiisaba,  Cali Khaliif Galaydh oo Maanta da’a ah waxa looga fadhiyaa inuu ku daydo, oo dadkiisa dhinaca ka raaco, kuna daydo Saleebaan Xagla-toosiye”.  Cumar Cabdiraxmaan Cali (Ina Dube Cali Yare), ayaa mar uu ka hadlaayey marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray ayaa yidhi “Markii ay Somaliland xoriyadeeda kala soo noqotay Ingiriiska, Somaliya waxa ay ugu biirtay walaaltinimo iyo jacayl ay u qabto, balse dulmi, dil, dhac iyo xasuuq lagu hayey dadkii Somaliland, kadib ayey xoriyadeeda dib ula soo noqotay, waxaana ALLE ha u naxariiste Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xasan Ciise Jaamac, ayaa Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee dalka noqday, si sharaf iyo milgo leh ayey u dhibeen xilkii, Maxamed Xaaji Ibraahim CIgaal ALLE ha u naxariiste iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa halkii ka soo anba qaaday, waxaana Xukuumaddaasi hirgelisay dib u heshiisiintii Beelaha iyo dib u dhiskii dalka, markii dambe Daahir Rayaale ayaa Madaxweyne ku xigeen noqday.

Xukuumaddii ay Madaxda ka ahaayeen Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiina, waxa ay ku dadaashay inay halkaas ka sii anba qaado, oo Dimuqraadiyadii horumar ku sameeyso, isla makaana Shirarka muhiimka ah ee dalalka Afrika iyo Wadamada kale ee Caalamka ka dhaca inay tagto, xittaa haddii aan lagu martiqaadin inay dibada istaagto, oo qadiyada Somaliland ka dhaadhiciso, lama dafiri karo in Xukuumaddii hore ay wax badan qabtay.  Xukuumadda Maanta ee ay Madaxda ka yihiin Axmed Maxamed Maxamuud (Sillaanyo), iyo Cabdiraxmaan Saylici iyana halkaas ayey ka sii anba qaaday horumarkii dalka, waxaana ay wax badan ka qabatay dalka gudihiisa iyo dibadiisa, oo Waxbarashadii Dugsiyada hoose dhexe ee dawladda ayey bilaash ka dhigtay, Wasaaraddihii dalka ayey dib u dhistay,Waddooyinkii ayey dhistay, iyada  oo walibana Bulshadana ku dhiirigelisay. Cumar Cabdiraxmaan Cali (Ina Dube Cali Yare), ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Somaliland iyada ayaa ku biirtay Somaliya, waxaana dhab ah oo cad in afar masuul oo reer Somaliland ah ay tageen dalka Ingiriiska, isla markaana ay madax banaanida Somaliland iyagu ku suntan yihiin, waxaana run ah in inta badan Somaliya ina sheegto, balse waxa aan leeyahay ku dayda  horumarka aanu gaadhnay,oo walaalayal waanu idiin ducaynaynaa ee dantiina iyo aayihiina ka taliya, anagana xaasidnimada naga daaya”.

Cumar Cabdiraxmaan Cali (Ina Dube Cali Yare), ayaa mar uu ka hadlaayey Askarta waxa uu yidhi “Waxa muhiim ah in marka ay Askartu hawl-gal fulinayso, ama meel loo diraayo in aanay sii qaadan xabad nool ee loo dhiibo xabad dhabar ah, si aanu khasaare u dhicin, dhanka kale Ciidamada kale duwan ee dalka ha ahaadan Boolis iyo Qaranba, waa kuwa aynu ku seexano, kuna soo toosno, in lala shaqayo, in la garab galo, in cid walba oo nabadgeliyada wax yeelaysa loo sheego ayaa  haboon.

Guddoomiyaha Maxkamada sare waxa uu soo saaray laba go’aan oo aad loo soo wada dhaweeyey laguna wada qancay, waana ugu hambaliyeynayaa, sidoo kale marka laga hadlaayo saami qaybsiga, waxa haboon oo aad u qurux badan in dib loogu noqdo oo loo eego kalsooni ay timaado, oo musharax isa soo shaxaya uu isku haleeyo goobta uu iska soo sharaxyo, iyo cida u codeeynaysa, maxa yeelay meesha uu iska soo sharaxayo uu garanayaa”.