Haddìi aan maqaalkan ku bilaabo bisinka alla , bismillaahi raxmaani raxiim iyo saliga nabigeena muhammed (NNKHS) , waxaynu maanta ku lafa guri doonaa xaalada caafimaad ee bulshadeena ku nool jamhuuriyada somaliland iyo waxqabadka wasaarada horumarinta caafiimaaadka jamhuuriyada somaliland . Haddaba haddii aan soo qaato xaaladaha caafimaad ee waddannka ka jira maanta wey kala duwan yihiin dhibaatooyinka ama duruufaha caafimaad ee saameeya waddamada ama qaaradaha kala duwan ee adduunyada . Inkasta oo maanta caalamka uu saammeyn mug leh ku yeeshay caabuqa COVID -19 , balse waddankeena ay jiraan kiisas dhowr ah oo la xaqiijiyay oo wasaarada caafimaadku soo jeedisay oo aynaan weli kiis u geeriyooday caabuqa covid -19 , walow ay jiraan kiisaska waddama aynu xuduuda la leenahay kiisas tirooyin ah ,balse ay dhimashadoodu sahlan tahay ugu badnaan seddex haddaynu soo qaadano waddanka Ethiopia oo shan machine haysta awoodna iyo shaqaale tabobarana haysta maalinkiiba ay shantooda mashiin baadhi karaan 2500 qof halka dawlada jaarkeena soomaaliya ee kiishka faqriga dhigatay magaalada mugadishu ay soo sheegayso kiisas aad u tiro badan iyo dhimasho laxaadleh oo 30 qof ku dhow . Haddaba maanta haddii aynu usoo dhawaano oo xooga saarno inaynu ka hadalno xaaladahan caafimaad ee caalamkaba soo food saaray iyo xaalada caafimaad ee bulshadeena . Illaahay waxaan baryaynaa inuu inaga nabadgaliyo caabuqan covid-19 , bulshadeenu waa bulsho moogan markasta oo dhinaca caafimaadka laga hadlo haddii ay noqoto talo qaadashada loo soo jeediyo , haddii dhakhtarku xataa talo soo jeediyo badh badan oo innaga mid ahi ma raacaan talooyinka uu dhakhtarka xaaladahooda gacanta ku hayaa soo jeediyo , waayo waxaa sabab u ah inaga oo aan shacabkeena la barin ha u dhaqanka dawladnimo ee shruucda caafimaadku soo jeedin lahaayeen . Kaliya maanta cudurada waddankeena sida aadka ah ugu soo waxaa ka mida cuduradda dhimirka , oo aan runtii u aanayn karno xaalado badan oo muuqda , cuduradda soo baxa ama cancer ka kuwaas oo kusoo badanayay waddankeen mudooyinkii tobankii sanno ee ugu danbeeyay oo welib noocyo kala duwan leh kaas oo dad da’doodu kala duwan tahay saameeyay kaas oo aan innaga inaynu daweyno qorshaha waddankeena ee wasaarada horumarinta caafimaadka wax uga meel yaalaa jirin in dadkeedu dal shisheeye aadaan mooyee iyo cuduro kale oo ay ka mid yihiin wadno xanuun , cerebrovascular disease ama cudurada maskaxda ku dhaca sida faaliga iyo macaanka ama cuduro kale oo soo jiitamay.
Haddaynu sii milicsano dhamaan bulshadeenu waa dad dhaqaale koobam hausta balse ay soo waajahaan duruufahaa aynu dabinta ku dhufanay . Waxaa is weydiin leh dhowr su’ aalood oo ay ugu horeyso ,maadaama ay xaaladu sidaas tahay dadkii laba qaybood ayay noqon karaan shicib ama shaqaale dawladeed , haddaad shaqaalaha qayb awoodo maxaa kaaga yaala kuwan masaakiinta ah ee aan waxba haysan ?
Haddii aan u imaado waxqabadka wasaarada horumarinta caafimaadka ee jamhuuriyada somaliland , waxaan madaxweynaha qaranka jamhuuriyada somaliland usoo jeedinayaa oo anigoo ku aamaanaya sida wacan ee uu musuqmaasuqa ula dagaalamay , haddana noocyo musuqmaasuqa ka mid ahi ay horyaallaan . Horta wasaarada caafimaadka ha laga reebo kalmada horumarinta caafimaadka . Marka horumarin la sheegayo waa inay jiraan talloobooyin iyo waxyaabo wax ku ool ah sida in xarumaha caafimaadka heer gobol , heer degmo , heer tuulo , aynu ka helno mid walba drajo ahaan waxii aan ugu taLo galnay . Waa maxay maanta sababta uu kii tuulada ama meel kale ka yimi ee caasimadii amaba tii gobolka yimi aanu uga helayn markuu referral Hospital kii yimaado . Maxaad uga keentay halkuu joogay ee tuulada ahayd .
Haddii aan sii waddo faaqidaada waxqabadka wasaarada caafimaadka waxaan u arkaa fikir kayga in la is tuso wixii dhaliil jirta iyo sida laga gudbi karo taasi . Shakhsiyan anigu ma jecli inaan binu aadmi dhaliilo hasayeeshee waxyaabaha aan indhahayga ku arkayo marnaba ka gaban maayo . Wasaarad weliba waxay leedahay qorshayaal kala duwan kuwaas oo noqon kara :
. Qorshe gaaban ( short plan ) waa inaynu ka gaashaaman karnaa waxyaabaha degdega inoogu iman kara tusaale ahaan haddii degaal dhaco inaynu dhiigayada noocyadoodad kala duwan haysano , haddii covid – 19 soo kordho sidii loola tacaali lahaa . inay wasaaradu soo saarto waxyaabaha cusub ee saddan weliba daraasada ku samaynayo oo soo saarto siday ula tacaalayso . Bal waxaan idin waydiiyay inaad ii sheegtaan cidda aad sugaysaan ilayn idinka ayay umaddu wax idiin mood
In machine ka cudurka lagu baado dad xirfadaysan hadda loo hayo , ogaada mashiinkan kaliya Covid 19 laguma baadhee waxaa jira cuduro kale oo loo adeegsado oo ahayd baahi waddanka taalay
. Qorshe fog ama dheer ( long plan ) inaynu wasaaradu leedahay haddag buuxa iyo yool mideysan taasi oo haddii xil bedel la sameeyo , aan saamayn ku yeelanayn . Inay wasaaradu dhaqan galiso nidaam sharciyeedyada caafimaadka kaliyaha maaha NHPC licensing .Inaad soo sartaan hagayaashii kala duwana ee bahda caafimaadku isticmaali lahaayeen kuwaas oo dhakhaatiirta lagula xisaabtami lahaa bukaankana anfaci lahhayd . Iyo in dadka kii aqoonta lahaa uu ka mid noqdo hormoodka wasaarada caafimaadka looma baahna aftahan ummada majara habaabiya meelna aan gaadhsiin karin qorshahaa wasaarada caafimaadka .
Waxaan kusoo gebogabaynayaa weedhii gabaygii muxumed liibaan jareer :
. Aataabarayse iyo dhallaan ma afwadaagaane
Dr Abdilahi Mohamed Abdi , MD , Advanced trained of Forensic Medicine
Geedeeblehargeisa@gmail.com , tel # 0634710774
Work place : Hargeisa Group Hospital .