Wejiga Labaad Ee Dhismaha Jidka Baligubadle Iyo Hargeysa Oo Shalay Si Rasmi Ah Loo Bilaabay

0
569

Picture3Hargeysa(Geeska)-Dhismaha kilomitirka labaad ee jidka isku xidhaya Baligubadle iyo Hargeysa, ayaa shalay si rasmi ah loo bilaabay, waxaana goob joog ka ahaa guddiga dhismaha wadada Baligubadle iyo wax garad kale.

Dhismaha jidkan oo loo dhisayo si casri ah, waxa shalay si rasmi ah loo bilaabay kilo-mitirkii labaad oo la dhigayo daamur. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in jidkani yahay mid casri ah oo iska xejin kara culaysyo badan. Wuxuu sheegay in la diyaariyay kun qof oo bixiya min kun dollar, waxaanu xildhibaanku noqday qofkii ugu horeeyay ee bixiyay kunka dollar, waxaanu sheegay inay dadka badankoodu bixiyeen lacagtaas oo marka la isku daro noqon doonta hal milyan oo dollar. Wuxuu dadka u soo jeediyay in si weyn looga qayb qaato dhismaha jidkaas.

Eng. Maxamed Cabdi, oo ka mid ah guddiga gacanta ku haysa jidkaas, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda wadada dhisaysa ay si toos ah u wadi doonto dhismaha jidkan, isagoo xusay in kilo mitirka labaad ee shalay la bilaabay uu maanta dhammaan doono, waxaanu xusay inay dhismaha garab socoto hawl kale oo jidka biyaha lagaga moosayo oo ay iska kaashadeen wasaaradda hawlaha guud iyo dadka shacabka ahi.