Hargeysa(Geeska)-Xarunta Center for policy Analysis ee uu fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa ku baaqday in xorriyadiisa loo soo celiyo Guuleed Axmed Jaamac oo xaruntan ka tirsan sidoo kalena ah guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Somaliland.
Warsaxaafadeed ay xaruntan CPA shalay soo saartay waxay ku tidhi sidan “Maalinnimadii sabtida ee bishan April ahayd 18, waxa magaalada Hargeysa lagu xidhay guddoomiyaha hay’adda xuquuqda aadamaha ee HCR Guuleed Axmed Jaamac, isla markaana xubin ka ahaa Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis), kaas oo lagu eedeeyay in uu dhaliilay tayada iyo hab-shaqada garsoorka Somaliland. Xadhigga Guuleed wuxuu daba socday waraysi uu siiyay warbaahinta qaarkeed.
Sida ku cad warqadda tixraaceedu yahay MGH/79/2015 ee ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha maxkamadda gobolka Hargeysa, kuna taariikhaysan 19/04/2015, isla markaana ku socotay taliyaha qaybta baadhista dembiyada Somaliland, maxkamadda gobolka Hargeysa waxay dammaanad ku sii daysay Guuleed Axmed Jaamac, waxaanay amartay sii-daynta eedaysanaha, balse lama sii dayn.
Haddaba, Xarunta Deraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Anlaysis – CPA), waxay cambaaraynaysaa, kana horjeeddaa xadhigga Guuleed. Waxaanu ku baaqaynaa ugu baaqaysaa in xorriyaddiisa loo soo celiyo guddoomiyaha HRC, Guuleed Axmed Jaamac.