“Waxaan Leeyahay Masuuliyada Madaxweyanaha Ayaa Leh,Waxba Ayaanu Ka Meeraysanin Oo Aanu Odhanin Maxkamadaan U Gudbinayaa”

0
589

Picture4Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha wadatashiga Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay codsigii uu Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Guurtida ee ku saabsanaa muddo kordhinta iyo diidmada ay diideen, waxaanu sheegay inay Guurtida lib ka haysto Madaxtooyada, isna og yihiin.

Guddoomiyaha Madasha Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale Madaxweynaha ugu baaqay in aanu Maxkamada isku mashuuqiilin “Arrimaha Doorashada wax Guurtida u yaalay markii horeba may ahayn, Sharcigii,Shuruucdii iyo Dastuurkii oo dhami shaqayn mayaan, Doorashadu marka ay qabsoomayso waxa uu xeerku siinaya oo keliya Madaxweynaha iyo Komishanka, Madaxweynuhuna waxa uu awood u leeyahay inuu Komishanka kala tashado arimaha Doorashada, digreetana uu ku soo saaro wakhtiga Doorashada, waa xaq daro, waa gar daro in go’aan iyo shaqo ay Komishanku leeyihiin oo ah Doorashada inay u muddo qabtaan, waxaaba markii horaba khalad ah inay Madaxweynaha wakhti u kordhiyaan, waxa ka sii khalad badan Hay’ad Qaranku leeyahay hawsheedii ay Guurtidu faraha la soo gasho iyada oo aan xaq u lahayn”

Mujaahid Xasan Guure ayaa mar uu ka hadlaayey kiiskii muddo kordhinta ee uu Madaxweynuhu Maxkamada u gubiyey ayaa yidhi “Waxaan  leeyahay Masuuliyadda Madaxweyanaha ayaa leh,waxba ayaanu ka meeraysanin oo aanu odhanin Maxkamadaan u gudbinayaa, waa xaq uu Dastuurku siiyey, waana inuu Komishanka kala tashadaa wakhtiga Doorashada la qabanaayo, digreetana uu ku soo saaro, Guurtiduna Madaxweynaha ma diidi karaan, Dastuurku waxa aanu siinina ma qaadan karaan, Madaxweynaha ayey tahay inuu Dastuurka uu ilaaliyo, Guurtidu haddii ay ku xad gudubtana inuu ka qabto weeye, Guurtidu kuma dhici karto muddo kordhintan haddi aanay Madaxtooyada lib ka haysan, maxa yeelay soo kuwa xeerarka iyo wax walba oo ay Dawladdu doonaysaba ku ansixiya duuduubka,”  

Xasan Guure Jaamac ayaa mar uu ka hadlaayey iska horimaad ka dhacay Galbeedka Hargeysa oo keenay dhaawac iyo dhimasho ayaa yidhi “Waxaan tacsiyadaynayaa Mujaahid Axmed Jabaan, oo weerar ku dhacay, laguna weeraray dhul uu daganaa dhawr iyo labaatan sanno, oo Inana lagaga dilay, Inana uu dhaawac xun yahay, Mujaahid Axmed Jabaan waxaan ka tacsiyadaynayaa arintaas adag ee ku dhacday, arimaha dhulka iyo wax walba oo dalka ka dhaca waxa aad mooda  inay Xukuumaddani xabad ku xalinayso, xabadanina xal maaha, waxaana aynu ognahay in Todobaadkan iyo Bishan ugu dambaysay afar ilaa shan meelood ayaa Booliska lagu laayey, iyana wax ku laayeen, waana nasiib daro in arintaas dhulka xalin kari weyno, Dawladduna xal aan xabad ahayn inay raadiso ayey ahayd, Xabadii la riday mooye waxa la sheegay in dadkii kale ee la qabqabtay in si xun loo garaacay, waxana maaha wax qaranimada iyo dadnimada ku wanaagsan”.