“Waxaan Iska Casilay Xilkii Shirguddoonka Golaha Wakiilada”  Cabdiraxmaan-cirro

0
520

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee golahaas.

Cirro ayaa go’aankan  ka hor sheegay fadhigii  shalay ee golaha wakiillada, iyadoo dhammaan mudanayaashii fadhiga ka soo xaadiray ay ku raaceen.

Xil ka tegistiisa ayuu ku sababeeyay doorashada soo socota ee madaxtooyada oo uu xisbigiisa Waddani ugu sharaxan yahay madaxweyne. Md. Cirro ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay wuxuu kaga waramay wax qabadka mudadii 12-ka sanadood ahayd, caqabadihii uu la kulmay iyo waxyaabo kale, waxaanu ugu dambayn yidhi “Waan ogahay waanan la socdaa in badan oo saaxiibaday ah, taageerayaashayda ah, iyo guud ahaanba qaar kamid ah shacbiga reer somaliland ay jeclaayeen in aan ka tago golahan xilli hore, balse waxaan idiin sheegayaa in aanu jirin haba yaraatee wax sharci ah oo ii diidaya in aan wada ahaado Gudoomiyaha golaha Wakiilada iyo Musharax Madaxweyne, sida sharcigu ugu ogolyahay in uu tartamo Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka dalka iyaga oo xilka haya!

Mudanayaal, waxaad la socoteen in marar badan dib u dhac ku yimaadeen doorashooyinka, sidaa darteedna waxaan culeys weyn ku hayey in aan xaqiijiyo qabsoomidda doorashooyinka si ay shacabka reer somaliland u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah una doortaan madaxooda.

Mudanayaal gunaanadkii iyo gabogabadii hadalkayga, maanta oo ay taariikhdu tahay 2-da bishii 8aad sanadka 2017, waxaan ku qancay isla markaana go’aansaday in aan baneeyo xilkii Gudoomiyaha golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, aniga oo aaminsan in bedelkayga buuxinaya kaalintaas uu idinka soo bixi doono, iyada oo loo marayo dariiqa iyo hanaanka sharciga ee lagu doorto gudoomiyaha golaha wakiilada.”

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay Axadda toddobaadkan doortaan bedelka Cabdiraxmaan-Cirro.