“Waxaan Hubaa In Xisbiga Kulmiye Heshiin Doono Oo Uu Is Raaci Doono

0
529

Picture3Waxaan jecelahay in aan ka hadlo, xaalada uu ku jiro Xisbiga Kulmiye, Xisbigu waa Xisbi aad u weyn oo balaadhan, oo Gobolada dalka oo dhan ka kooban, Khilaafka Siyaasiga ah ee soo kala dhex galay Hoggaanka Xisbiga iyo Xukuumadda, waxaan ugu baaqaya in khilaafka lagu dejiyo si Nabadgeliyo ah, iyada oo Wakhtigii Doorashada isku soo dhawdahay waxa loo baahan yahay in khilaafkaas la dhamaystiro.

Doorkii Siyaasiga ah ee Degmada Axmed Dhegax ku lahayd Xisbiga Kulmiye, waxaad mooda inay gabeen, iyaga oo ka ahaa rukun weyn, isku soo dhaweeynta iyo Islaaxa Xisbiga gudihiisa waajib ayuu ku ahaa, waxaan ugu baaqaya in in la joojiyo Warbaahinta dabka lagu sii hurinayo, taas oo aan dalka, dadka iyo Xisbigaba dan u ahayn, waxaana soo jeedin lahaa in arinkan taagan loo daayo Golaha Guurtida, ee uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, iyo Odeyaasha waaweyn ee ku jiro ee uu ka mid yahay Xaaji Cabdikariim Xaaji Cabdi Waraabe, oo wakhti walba u taagan inay damiyaan Khilaafka soo kala dhex gala Qaranka, Waxaan hubaa in Xisbiga Kulmiye heshiin doono oo uu is raaci doono,oo Hogaanka Xisbiga iyo Xukuumaddu is raaci doono, midoobi doonaana, waxaana soo jeedin lahaa in inta Golaha Guurtidu ku jiraan Hawshan in wax la iskula hadho oo Warbaahinta waxba la isku marin, waxa kale oo aan soo jeedin lahaa gaar ahaan Caasimadda oo aan ku talinaya inay dadku ogadaan wixii dhacaya, oo ay aad u feejignadaan, meelna ugu soo wada jeedeen wixii nabadgeliyada wax yeelaya, iyada oo qaraxyadu ka mid yihiin, taas oo nabadgeliyada iyo horumarka dalka u wanaagsanayn, dibna u dhigi karta wixii aynu soo dhisaynay 23-sano.Cabdillaahi Ibrahim Cilmi (Cadmaawi)