Marka hore ILahayba Mahad leh Ii suurto galiyay inaan maqaalkan ku cabbiro qaar kamida aarartayda iyo afkaartayda taasoo ku saabsan arin jimcihii ka dhacdey magaalo madaxa gobalka Hawd ee Baligubadle oo laga qodaayay Ceel (Riig biyood ah .)runtii waxa halkaa ka dhacdey munaasibad bud-dhig iyo ducco nuxurkeedu ahaa .
Waxa arin cusub noqotay oo bulshadii kala duwanayd ee halkaa ku sugnayd aad ula yaabeen haddalo runtii aan la jeclaysan oo kasoo baxayay .Badhasaabka Gobolka hawd oo u dhignaa qaar naxli iyo xumaani ku dheehantahy . Runtii wuxuu badhasaabku si badheedh ah u aflagaadeyey guddiga Sahan Barwaaqo ee degmada Salaxley oo ka mid ahaa xubnihii martiqaadka loo fidiyay ee goobta ku sugnaa. Mana aha markii koowaad iyo labaad ee uu masuulkani dedefeeyo umadda Somaliland hadday tahay hawd iyo umada kaleba.
Runtii waxaynu arki jirnay masuuliyiin ka shaqeeya isu soo dhawaynta wada noolaashaha iyo wax wada qabsiga umadaha wada dhashay ee wada yaala. Masuulkani wuxuu ku sifoobay mid fitno abuur ah oo doonaya inuu isku xoqo dadka wada dhashay. Waxaan xaal ka bixinayaa haddaan ahay dhallinyarada ka soo jeeda gobalkan arrintan aan wanaagsanayn ee ka soo yeedhay badhasaabka raad baradka ah. Waxaan guddiga Sahan-barwaaqo leeyahay xaal qaata, badhasaabkana waxaan leeyahay KULMIYE haddii uu ka xanaaqi jiray Burco way midowday iyo Maroodi-jeexna way midowday, maantana waxaanu idin leenahay gobalka Hawd wuu midoobay ee sidaas ula socda.
Fathi qaalib
Hargeysa, Somaliland