Waxa Ka Ogow Xabsiga Mandheera Iyo Siyaasiyiinti Tirada Badna Ee Lagu Xidhay

0
152

Hargeysa(Geeska)(Xigasho BBC)Waa xabsi fac weyn oo ilaa berigii kacaanka iyo kasii horeysayba  dadka lagu xidhi jiray.Waxaa la dhisay kun sagaal boqol iyo afartameeyadii, waxaa dhisay gumeysigii Ingiriiska. Sabata loo dhisayna waxay ahayd in lagu xidho  maxaabiista siyaasadeed ee dhaqdhaqaaqyada gobbanimodoonka, gaar ahaan kuwii ka jiray Burco.

“Xabsiga Mandheera waa meel geeri go’an ah, oo aan si sahal ah looga fakan karin xilligaas, mana lahan jihooyin qardajeex ah, oo laga tago magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Burco iyo Sheekh. Qofku wuxuu ku qasbanaa inuu jidka weyn qaado, taas oo sahli jirtay in qofkii halkaas ka fakada in laga soo qabto jidka weyn.”

Wuxuu u dhisan yahay qaab xero militari, oo ah sidii loo dhisi jiray xabsiyada dagaalkii labaad ee Aduunka

Wuxuu xabsiyada kale uga duwanaa inuu ahaa mid go’doonsan. Wuxuu ahaa xabsiga keliya ee gumeysigu ka dhisay dalka ee aan magaalo ku dhex oollin.

Yaa Ka Mid Ahaa Dadkii Caanka Ahaa Ee Xabsigan Soo Maray?

Inta la xusuusto xilligii gumeysiga dadkii lagu xidhay waxaa ugu caansanaa Maxamuud Uurdoox, halgamaagii xorriyadda Gobolada waqooyi.

Xilligii dowladdii militariga ahaydna waxaa ugu caansanaa dadkii lagu xidhay Maxamed Faarax Caydiid, Cabdullaahi Yuusuf iyo abwaankii weynaa ee Cali Banfas.

“Xiliyadan  dambe ee xabsiga ay maamusho Jamhuuriyadda Somaliland dadka lagu xidhay waxaa ugu caansanaa Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal caydid. Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Golaha Guurtida, ee imika ayaa isagana lagu xidhay 2001-dii, Wakhtigaas oo uu Madaxweyne ahaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Saleebaan Maxamuud Aadan oo ahaa Mucaarad si weyn uga soo horjeeday Xukuumaddii Cigaal ayaa lagu eedeeyey, isaga oo wakhtigaas Hargeysa ka soo degay in shirar ka dhan ah Qaranimada Somaliland uu ku soo galay dalal dibedda ah.

?Wax muhiimad ah oo weyn uma lahayn dowladdii rayidka ee beddeshay tii gumeysiga, waayo ma jirin maxaabiis siyaasadeed. Muhiimad weyn ayuu u yeeshay taliskii militariga, waayo wuxuu noqday meel ay isaga fogeeyaan maxaabiista siyaasadeed.

Waxaa lagu xidhay maxaabiis ka tirsaneyd jabhadda SNM. Sidaas awgeed, SNM ayaa weerartay  dhawr jeer kana jebisay  maxabiisti ku xidhnayd: markii koowaad, bishii January ee sannadkii 1983 ayay ahayd, halkaas oo ay ka sii daayeen maxaabiis gaadheysa 744 maxbuus.

Markii labaad ee ay jebiyeen xabsiga waxay ahayd bishii May 1988, halkaas oo ay ku dileen taliyihii xabsiga, kuna sii daayeen 664 maxbuus.

Dadkan dambe ee la sii daayey waxaa ku jiray Duqii hore ee Magaalada Hargeysa Barre Laangadhe iyo maxaabiis ku xidhnaa jabhadda WSLF.