“Waxa Hadhsan In La Codeeyo Oo Sanduuqa Waraaqaha Lagu Rido, Cidii Imanaysaana Way Iman”

0
586

Picture5Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo ka mid ah Guddida uu Madaxweynuhu u xil saaray soo afjarada khilaafka Musharixiinta Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu ka hadlay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo Maanta qabsoomaya, waxaanu sheegay inay iyagu Guddi ahaan dhex u yihiin Musharixiinta, oo cid gaar ah aanay u hiilinayn, waxaanu sheegay in Maanta uu Shirku furmi doono, cidii aan imana ay baqayaan. Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayaa waxa uu hadalkiisi ku bilaabay sidan "Anagu Guddi ahaan dhex ayaanu ahayn, daacad ayaanu u ahayn dhammaan Musharixiinta,  sida ay wax ahaayeena waanu sheegnay, oo waxa aanu u sheegnay una soo bandhignay Warbaahinta iyo Bulshadaba, markaas imika Shirkii Golaha Dhexe waxba kama hadhsanaa oo bari (maanta), ayuu dhacayaa, oo waxa hadhsan in la codeeyo oo sanduuqa waraaqaha lagu rido, cidii imananaysaana wey iman, cidii go'aanku ka soo go'ina wey ka baaqanayaan laakiin Shirku wuu dhacayaa"