Wasiiro U Ambabaxay Ka Qayb Galka Kalfadhi Golaha Deegaanka Cardiff Ugu Codaynayo Aqoonisga Somaliland

0
648

Picture3Hargeysa (Geeska)- Wefi reer Somaliland ah ayaa  u ambabaxay Dalka Ingiriiska, gaar ahaan Gobolka Cardiff, oo lagu qaban doono munaasibad, iyada oo la filayo in Golaha Deegaanka ee Magaalada Cardiff ay aqoonsan doonaan madax banaanida Somaliland, maalmaha soo socda. u anbabaxay dalka Ingiriiska ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Masuuliyiin kale, iyada oo Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis isna uu ka sii horeeyo.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isagu Warbaahinta la hadlay intii aanay ka dhoofin Madaarka Hargeysa, ayaa ka waramay ujeedada safarkooda, waxaanu yidhi “Waxa aanu u baxaynaa, safarkayguna khuseeya  Aniga, Guddoomiyaha iyo Wasiirka Kharajiga oo naga sii horeeya Cardiff, oo dadka reer Cradiff ee Somaliland ka ololeeya sidii ay Somaliland ictiraaf u heli lahayd, oo ka shaqaynayey in dhawaydna ku hawlanaa, oo Golaha Deegaanka laga filayo in arintaas horumar laga sameeyo, marka aanu tagno waxa aan ka warami doonaa waxa natiijada ah, hawshaas Cardiff oo ololaha wada iyo dadka Ingiriiska deggan oo dhammaantood olole wada, oo Sheflied hore ugu guulaystay, olole badana ka wada iyo Qurba jooga reer Somaliland guud ahaanba oo aan ku mahadniyo dadaalka ay ugu jiraan qaranimada Somaliland, ayaanu u baxaynaa taageeradeeda, is barbar taageeda iyo ka shaqaynteeda, waxa aan filayaa in qof walba oo reer Somaliland ahi uu yahay Wakiil, Wakiil-na ka yahay meel walba oo uu joogo, anaguna waxa aan isku garab taagnaynaa oo aanu hawlan ahay sidii aanu kula shaqayn lahayn”.