Wasiiro Is Casilay Oo Iska Difaacay Eeddo Loo Jeediyay

0
561

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiiradii Isniintii iska casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxay sheegeen inaanay marna dalka burburkiisa ka shaqaynayn ee ay ka shaqaynayaan horumarkiisa.

Kulan ay yeesheen ka dib waxa saxaafadda la hadlay wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si kooban uga hadlay kulan “shalay [doraad] ayaanu xilka ka tagnay, Dawladdan muddo 5 sanno ka badan baanu u soo shaqaynaynay, horteedna waanu ka shaqaynaynay,  qarankuna waa qarankayagii waanu sii dhisaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Xirsi, waxaanu intaas raaciyay “KULMIYE ayaanu ka tirsanahay, waanu ka tartamaynaa, weli waxaanu aaminsanahay inaanu aqlabiyadii haysano, wax dhib ahina ma jirto.” Wasiirku wuxuu bulshada u diray farriin nuxurkeedu yahay inay ammaanka ilaaliyaan, isna dejiyaan “ Wax dhib ahi ma jirto, dadka waxaan ugu baaqayaa inay isdejiyaan oo dadka inoo ilaaliyaan, danteena iyo nabadgalyadeena ayaa ku jirta, anaguna kuwii dalka dhisayay ayaanu nahaye kuwii dalka laga ilaalinayay ma nihin,” ayuu yidhi Xirsi. Wasiirkii arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna yidhi “Waxaanu nahay dad wadanka jecel, anagaa ka lexe jeclo badan, waxaanu isu casilnayna waa lexejeclada aanu wadanka ka qabno iyo inaanu badbaadino, markaas wararka la leeyahay dhibaatay wadaan waxba kama jiraan, muwaadiniin ayaanu nahay dalkan u soo halgamay.”