Wasiirka Waxbarashada Oo Soo Gunaanaday Dib U Eegis Iyo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyay Manaahiijta

0
520

Picture2Hargaysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Prof: Faarax Cilmi Geedoole, ayaa  soo gaba-gabeeyay dib u  eegis iyo wax ka badal lagu sameeyay Manaahijta Dugsiyada Hoose Dhexe iyo sidoo kale Dugisyada sare oo muddo socday.

Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Manaahijta ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku xigeenka,Agaasimaha Hay’adda AET, Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo Masuuliyiin Kale, waxaana dib u eegista lagu sameeyey Manaahijta Waxbarashada maalgaliyey Hay’addaha UNICEF  iyo EU-da  waxaana Fulinaysay mashruucan Hay’adda AET.

kulan ayaa waxa ka qayb Qaatay Macalimiin Dhan 84 Macalin,Halka ay Afartan Macalin Fulinayeen, wax ka badalka lagu samaynayo Man-hajka Dugsiyada Sare,Halkay 44 Macalin Fulinayeen Man-hajka Dugsiyada Hoose Dhexe oo qoris  lagu sameeyay.

Ugu Horayn Agaasimaha Xafiiska Manaahijta Cabdilaahi Yaasiin Diiriye oo ka hadlay kulankan ayaa yidhi  “Hawshan dajinta Man-hajka Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Kuwa Sareba,waxa ay soo bilaabmatay 22kii bisha Julay waxaana ay soo dhamaatay muqararadii Dugsiyada Sare dhamaantood oo Ah kuwan ku horyaala iyo dhamaan Kuwii Dugsiyada hoose dhex oo halkan iyaguna yaala waxa ay soo dhamadeen bishan aynu ku jiro 16keedii,Run ahaantii  aqoonyahanka ka qayb qaatay dajinta manaahijta jamuuriyada Somaliland,waxaan ay muujiyeen dadaal aad u xoogan iyo tuujinta Maskaxda.

Labada Manhaj ee ay dajiyeen aqoon yahanka Halkan Fadhiyaa intaas uun ku eekaan maayo waxa la dari doonaa aqoon yahano iyaguna xeel dheerayaal ah oo iyaguna wixii talo ah ku dari doona.

 Guddoomiyaha Waxbarashada bariga Hargeysa  Ismaaciil Dhubato oo isagu munaasibadaas ka hadlay ayaa yidhi  “Waynu ognahay oo Halkan Rag badan oo khubaro ah ayaa fadhiya,Dalkuna cid kale mahaystee waa inaga oo inaga ayaa u aha aqoon yahan,Nimanka Inoo imanaya ee Ajihanibka  ah hawlo yaryar oo la Xeeranayo awgeed ayay inoogu wadanaa,lakiin Aqoon yahanka Dalku Waa inaga Dhamaanteen.

Agaasimaha Hay’adda Fulinaysay Mashruucan Ee AET Xasan Axmed Ibraahin oo isna munaasibadaas ka hadlay ayaa ku Dheeraaday muhiimada ay Bulshada u leedahay Man-hajkan La badalay isaga ka shekeeyay Hawlaha ay Haay’addani Waxbarashada u Qabato, waxaanu yidhi “Maanta runtii aad ayaan u faraxsanay hawl aynu soo wadnay 40 Maalmood,Waxaanan Ka markhaati ahay Dadaalka idinka Muuqday iyo sidaad u Dadaalayseen  waxaad tihiin niman wadankoodii wax u qabanayay oo waajibkii saarnaa ka soo baxay,waxaan u arkaa Yididiilo fiican,Maalin ayaan hoosta ka idhi ilaahow Yaan nala Cawryin dadku iyaga aya Baahidooda yaqaan Taas ayaynu inaguna wax u qoraynay,Horumarkuna waa Mid Adiga kaa yimaad,Lakiin Maaha Mid Dusha Lagaaga Keenay.

Anagu waanu idin Taban taabinaynaa hadaanu nahay Hay’adda AET Runtii Wasaaradda ka mid ayaanu nahay sida xafiiskaygu idiinku dhaw yahayna runtii qalbigayaguna sidaas ayuu idiinku dhaw yahay oo wada shaqayn aad wanaagsan oo muddo 18 Sano Aan ka Yarayn ayaa naga Dhaxaysa,Kolba waxaanu tarano wasaarada wax ayaanu keenaa.

Agaasimaha Hay’adda AET ayaa caddeeyay in shaqada ugu badan ee ay qabteen xooga saraan Waxbarashada, waxaanu sheegay in ilaa iyo 18-sannadood wada shaqayn wanaagsani ka dhexeeysay Wasaaradda Waxbarashada iyo Hayadda AET,hawlo badan ay gacan ka siiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Prof: Faarax Cilmi Geedoole ayaa amaanay Qorayaasha Manjakan iyo Hay’adda AET oo kaalin Laxaadle Ka qaatay waxaana uu yidhi.”waxa waajib ah in aynu inagu qorano manaahijta,waad ogtihiin oo Marka La qorayo qaab ayaa Loo Dajiyaa,waxaanan ku Farax sanahay in uu Anfici Doono Ardayda Man-hajkan loo dajiyay,dadaal badan ayaa soo galiseen oo mudo ayaa u fadhideen,waanan idin hambalyaynayaa Maskaxdaas aad tuujiseen iyo dhiiranaanta aad Galiseen,Dadaalku muu yarayn wakhtiga idinka baxay waad aragtaan,waxaad qorteen dhamaan Kuwa Dugsiyada Hoose dhexe lagu dhiganayo,wax ka badalna waxaad ku samayseen kuwa sare,Guul ayaad gaadheen”.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, waxayna ku dheeraadan qiimaha uu leeyahay Manjakan cusub, waxayna u mahadnaqeen Hay’adda AET iyo cid walba oo gacan ka geystay.