Wasiirka Qorshaynta Oo Ka Waramay Safar Ay Isaga Iyo Wasiir Sacad Ku Tageen Kenya

0
524

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), ayaa ka hadlay safar ay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire ay ku tageen dalka Kenya, waxaanu sheegay in ujeedada socdaalkani ahaa sidii ay ula soo kulmi lahaayeen Wadamada iyo Hay’addaha kala duwan ee Somaliland caawiya, si loo dardar geliyo wada shaqeeynta ka dhexeysa.

1

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Cali Xuseen Ismaaciil (Shoombe), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Shaqaalihii u dhashay wadamada Jarmalka iyo Dernmarka ee sida deg dega ah dalka ugu baxay iyo sababta dhabta ah ee ay uga baxeen, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya “Waadamada inaga caawiya dhinaca horumarkia ayaanu la kulanay, waxaana ujeedada kulanku ahaa sidii loo sii dardarn galin lahaa wada shaqeynta iyo sida ay inoogala shaqeyn lahayeen waxaynu inagu rabno iyo waxyaabaha inaga inoo muhiimka  ah ee waxay iyagu rabaan aanay dalka iskala iman,Safaaraddaha reer Galbeedka waanu is aragnay, waxaana is aragnay Safaaraddaha Norwey, Demark, Jarmalka, Mareykanka,Holland iyo Ingiriiskaba, iyo dhammaan Hay’addaha Caalamiga ah ee inala shaqeeya, waxaana dhammaantood ka wada hadlanay danaheena”

Wasiirka oo la weydiiyay dareenka ay dalalkani ka qaateen dib u dhigistii doorashada wakiilada iyo inay joojiyeen lacagtii ay ku caawin jireen doorashada wuxuu yidhi “Marnaba may odhan Doorashada kama caawinayno, ee waxay yidhaahdeen Doorashada Barlamaanka ee dib loo dhigay iyo labada Doorasho ee la kala qaaday kharashka dheeraadka ee ka soo baxa ayey yidhaahdeen ma bixinayno ee marnaba may odhan ta Madaxtooyada ma bixinayno, laakiin haddii ay bixin waayaan Somaliland waa dawlad oo iyada ayaa isku tashanaysa, oo sideedaba Doorashada kharashka ku baxaya Dawladda ayaa bixisaa, oo Miisaaniyadda ayey ku jirtaa, laakiin waxay inaga caawinayeen Diiwaangelinta iyo kharashka Shaqaalaha inta ay Doorashadu socoto, oo wali hadal kama hayno oo may odhan ma bixinayno, laakiin haddii ay hadal ka keenaan Doorashadu xilligeedii ayey dhacaysa, si aanay u habsaamina Madaxtooyada ayaa bixinaysa”.

Mar aanu wax ka weydiinay halka ay ku dambeeyeen Shaqaalihii Denmark iyo Jarmalka ee dalka sida deg dega ah uga baxay iyo sababta dhabta ah ee ay uga baxeen ayaa wasiirku wuxuu ku jawaabay “Intii aanan bixin, waxaanu Hay’addaha kaga wada hadlayn Wasaaradda Daakhliga, Aniga, Wasiirka Arrimaha Dibadda,Wasiirka Arrimaha Guddaha , Taliyayaasha Amaanka iyo Sirdoonka,waanu la kulay, waxay ahayd war been ah oo la siiyey, oo sababo amaan baa loola xidhiidhiyey, muhiimadu maaha wey baxeen iyo may bixin, cida warka siisay ee doonaysa inay Somaliland wax ka noqoto, waa cid cadaw ah oo loo baahan yahay inaynu dhammaanteen meel uga  soo wada jeedsano, waayo marka war been ah dalka laga bixiyo, sumcadii dalka ayaa wax loo dhimayaa.”