Wasiirka Kalluumaysiga Sheegay In Dagaalka Yemen Ka Socdaa Saamayn Dhaqaale Ku Yeelanayo Shacabka Somliland

0
647

Picture5Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Buureed, ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Yamen iyo sameeynta uu ku yeelan karo Dhaqaalaha Somaliland uga yimaada dhinaca Badda.  Wasiirka Kalluumaysiga Cali Jaamac Faarax Buureed oo Wargeyska Geeska Afrika khadka telefoonka ugu waramaya isaga oo ku sugan Magaalada Ceerigaabo ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkani Yamen ka socdaa uu khatar ku yahay Somaliland, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la ilaaliyo Badda Somaliland, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay “Dagaalkan Yamen ka socda Dhaqaalihii dalkeena sameeyn ayuu ku yeelan karaa, maxa yeelay Yeman waxa badan ayaa inooga iman jiray, badeecooyin badan ayaa inooga iman jiray, Xeebaheena oo dhan Shidaal jaban ayaa uga iman jiray, Kalluunka ayey iibsan jireen, oo kuweena ayaa Kalluunka u geyn jiray”. Ayuu yidhi.  Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland oo ayaa mar uu ka hadlay khatarta ay Somaliland ku yeelan karto Dagaalka Yamen ayaa yidhi “Waxa aan leeyahay ha laga taxadiro khatarta uu dagaalka Yameni uu inagu yeelan karo, oo aad halooga feejignaado, oo aynu ilaashano Xeebahana, ayaan ku talinayaa, oo wixii Baddeena soo galaya aad looga taxadiro, loona ilaaliyo ayaa inoo wacan, Anigu hadda waxa aan jooga Gobolka Sanaag, Magaalada Ceerigaabo, wali wax dhaq-dhaqaaqa maanu arag, mana hayno”.