Hargaysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badaha Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa jawaab Kulul ka bixiyay Hadal Kasoo Yeedhay Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiillada oo ay kasoo wada jeedaan Isku Deegaan.
Wasiirka Kalluumaysiga oo Shalay Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka Xildhibaanka kaas oo ku sifeeyey Xildhibaanka,mid isku diraya Beesha uu kasoo jeedo Iyo Xukuumada.
Waxaanu wasiirka Kalluumaysigu sheegay in Xildhibaan Cali Bare inta uu Xilka hayay aanu u tagin Reerka uu kasoo Jeedo iyo Deegaanka ay shirka ku qabsanayeenba,Waxaana uu ugu Baaqay unuu u shaqeeyo waxana u qabto Umadda iyo Shacabka uu matalo, waxaanu yidhi “Xildhibaankan hore ayaan u arkay isaga oo Wasiiro hore cay iyo aflagaado u jeedinaya,markaas arintan Xiin Galool ee uu sheegayo isagu waxba kama oga,Siyaasada Somaliland sida ay u dhan tahay dhammaanteed waxba kama oga,Goobta uu shirku ka socdayna adigu maad joogin anaga ayaa Joognay oo shirka waxa uu ahaa shir Lagu taageersanaa Midnimada Somaliland, manuu ahayn Mid lagaga Soo Hor Jeedo Somaliland.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waligaa halkii lagaa soo doortay maad tagin,halkan ayaad joogtay 20sanadood,waxaanad tahay Rag Xukuumadda iyo Deegaanka Fad-qalada ka dhex wada, Sababta oo ah halkan waxaan idiinku imi Ragga Xukuumadda ka tirsan oo doonaya Xukuumadda iyo Deegaanka ay kasoo Jeedaan inaanu wax xidhiidh ahi ka dhaxayn,Intaas oo dhan ayaad Xildhibaan joogtay waxaad u qabatay iyo meel aad shir kaga qayb gashay lama soo sheegin,markaas waxa kuu qurux badan inaad Dadkaaga dhex gasho Oo Aad dalka Dhinaca ka raacdo”. Wasiirka kallumaysiga oo ka waramay waxa ay isku hayaan Xildhibaan Cali Bare iyo waxa uu eeda ugu soo jeediyay ayaa yidhi”“Isma haynee waxa uu xildhibaanku leeyahay Shirkii Xin-galool ayuu wasiirku ka sheegay in Somaliland Laga soo horjeedo,In shirkaasi yahay Puntland Iyo in Dawladda kale shirkaas lagu taageerayo,markaas anigu waxaan leeyahay arinkaas aad ku tiraabtay waxba kama jiraan,haddii uu doonayo cid uu u jawaabo Odayaashii joogay Xiin-galool Saakaba waxa ay isku shubeen Garoowe ee taas ka hadal laakiin wax kale oo kuu yaala ma jiraan ayaa ku odhan lahaa xildhibaan”.
Wasiirka oo hadalkiisi sii wata ayaa yidhi “Adeer dadka isku shubay,Maaha dad Matala Warsangali oo dhan,manaaha Dad matala Dadka Deegaanka,Waana in yar oo aanu ogayn awalba,waana Dad dano gaar ah Leh,Intaas ayaa tagtay Reerkuna Salaadiin badan ayuu leeyahay,Intaas oo Suldaan ayuu leeyahay,Caaqilo Badan ayuu sidoo kale leeyahay waxaas oo dhami,midna meel muutagin Lakiin inyar oo aanu naqaan ayaa tagtay”.