Wasiirka Duulista Oo Shalay Hortagay Guddiga Daryeela Hantida Qaranka Iyo Su’aalaha Laga Weydiiyay Tobanka Dollar Ee Dadka Dhoofaya Laga Qaado

0
3746

 

golahaHargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shalay hortagay guddi hoosaadka golaha wakiilada u qaabilsan daryeelka hantida qaranka, waxaanu ka jawaabay su’aalo ay ka qabeen lacagta ah 10-ka dollar ee laga qaado dadka dhoofaya oo aanay golaha wakiiladu ansixin.

 

Wasiir Maxamuud Xaashi, wuxuu difaacay jidka lacagtaas lagu qaado, oo uu sheegay inay Somaliland kala mid tahay dunida kale. Ugu horayn Wasiir Xaashi, isagoo sharaxaya lacagtaas wuxuu  yidhi “Wasaaradu wax lacag ah oo cashuur ah oo ay qaado waxa jirta saddex doolar  oo golaha wakiiladu uu ansaxiyay  oo labada madaar ee waawayn ee dalka lagu qaado, iyagaana isticmaala madaaradu waxay lamid yahiin sida dekedaha waxaanan ku talo jirnaa inaan sanadka soo socda ka dhigno kuwo madax banaan  anaga oo xeerarka caalamiga ah waafajinayna  ee ICAO cabirkeeda, sababaha lacagahaas loogu sameeyayna waxay ahayd shaqada ka socota awgeed, oo sidaas dekedu ay ugu baahan tahay agabka  iyo gacan ku haynta ayay madaaraduna ugu baahan yahiin, wax lacag ah oo ay wasaaradu u igmantahay taas ayaa jirta.

Wax jirta lacag kale oo toban doolar ah oo la yidhaahdo lacagtii ammaanka  oo lagu qaado madaarada  oo la bilaabay bishii sideedaad ee sanadkii hore, lacagtaas waxa qaada shirkada wadaniga ah ee Nasha, waxa loo qorsheeyay inay ku maamusho daryeelka mishiinada,laba doolar oo meel loo dhigo badalida mishiinka haddii cilad ku timaado, waxa kamid ah mushaharka dhalinyarada ka shaqaysa oo dhawr iyo kontan ah  oo jaamacadahana ka soo baxay, waxaanay qaadanayeen 400 oo dolar dhawaana waxay noqonayaa shaqaale joogto ah oo waxay qaadanayaan ilaa 500 oo dolar, qaarbaa intaas mushaharkoodu ka sareeya, waxaas oo dhan ayaa lagu  maamulaa, waxa arimahaas loo sameeyay  oo xukuumadu ay sidaas u yeeshay  duruuf laga maari waayay oo adag, marka cashuur la samaynaayo danta umada ayaa lagu saleeyaa waan arkaayay warbaahinta iyo dad badan oo aan xogogaal ahayn oo si qaldan u tarjumaayay, laakiin xaqiidu runta ayay iska iman doontaa, lacagtan waxa lagu maamulaa arimaha caynkaas ah.

Waa arimo ay ogyahiin dawladaha inaga caawiya oo ay ICAO nagala talisay, golaha wakiiladana waanu hor keenaynaa si xeer looga dhigo, waa dhab cashuur kasta oo dadka laga qaado waa in sharci jideeyaa duruufahii iyo kala guurkii ayaa keenay, adeegan waa mid adduunka oo dhan uu qaado oo tigidhada ayuu ku jiraa, Somaliland kama cashuur qaalisana dalalka aynu la tartamayno,  golahana waanu keenaynaa muuqaal cadaynaaya dalal badan iyo waxa laga qaado oo aanu soo bandhigi doonaa, dad badna ayaa ku dooda cashuurta madaaradu ay qaadaan waa ay badan yahiin golahaana xaqiijin doona markaanu xaqaa’iqda hor keeno waayo qaranka anagaa waxan uga masuul ah.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo guddigaas ka tirsan ayaa ugu horayntii waydiiyay wasiirka su’aal ahayd, Mar haddii ay tahay shirkad khaas loo leeyahay miyaanay ku haboonayan in shirkadii diyaaradaha loo daayo iyagu haka heshiiyaane, haddii ay dawladu shirkadan khaaska loo leeyahay awooda ay siisay miyaanay ahayn in ay u qabato lacagta oo ay iyaga koontaraag siiso ee aanay toos loo odhan dadkii cashuurta ka qaad iyada oo shirkad khaas loo leeyahay ah?

Wasiirka oo su’ashaas ka jawaabayaa wuxuu yidhi “Markii aanu mashruucan bilaabaynay  wasiirka maaliyadu xilka muu haynin, wasiirkii maaliyada ee horaanu u yeedhnay, waxaanu tusaalaynay in culays caalami ah uu na haysto  oo dadkii hawadeena ka ganacsanaayay iyo haaya’adii caalamiga ahaa ee inala shaqaynaayay ay doonayaan nidaamkaas inaynu marno, oo la doonayo in dadkaas aynu shaqaalaysiino, markaas wasiirka waxaanu ka wada hadlaynay in tobankaas doolar xilkeeda ay wasaarada maaliyada iyo xukuumada Somaliland ay qaadato, waa miisaaniyadii 2012-ka waanay adkaatay, ku dhaliili maayo wasiirkaas hore  waxba kama hagran,  laakiin duruufahii yaalay way saamaxi waayeen, dabadeedna dadkii nala shaqaynaayay ayaa waxay yidhaahdeen waar cashuurtan waxay kamid tahay cashuurta caalamkuba qaado  ee sidan u qaada, marlabaad wasiirkan cusub ee maliyada Md.Cabdicasiis gudiga miisaaniyada qaranka ayaanu ku wada jirnay waxaanu u yeedhnay anaga oo isku dhan todabdayadii wasiir haay’ada Nasha oo lacagtan qaada waxaanu waydiinay waxay lacag qaado iyo sida ay wax u isticmaasho, waxaanu u yeedhnay khubaradii iyo hay’adahii nagala shaqaynaayay siday iyaguna u arkaan, waxaanu ku shaqaynaa  siyaasad ah in hantida qaranka ee firidhsan qasnada dawlada lagu ururiyo, go’aan kaliyaata oo gole wakiiladu uu soo saaray oo uu leeyahay  ku soo dara miisaaniyada waxaas ayaa ka maqane  sidii xukumadii hore lagu samayan-jiray nagumay iman, anagaa arkaynay siyaasad ah inaan ku soo darno waxaas filiqsan oo dhan qasnada dawlada.

Markaas anaga gudidayadii waxaanu u aragnay adeegaasu maadaama oo imika uu sidaas u shaqeeyo in aan lagu soo dari karin  miisaaniyada qaranka dhawr sababood awgeed oo ay ka mid tahay in uu isku kaayo qaban waayay nidaamkii caalamku naga doonayay iyo keenii, waa ka labaad wasaarada maaliyada marka lacag lagu soo shubo qasnadeed ee dhalinayradan shaqaysa laga dhigo shaqaale qaran mushaharka dhamaantood shaqaalaha dawladu isku mid ayay qaataan muhiimada la siinayo inay lacag badan qaataan oo madax banaanaadaana suurtoobi mayso, rabitaankaas beesha caalamka iyo haay’adahaas caalamiga ah ee inala shaqeeya ayaanu adeecnay.

Waxaanu markaas ku nidhi gudidayadii miisaaniyadu waar dakhligan waa hanti umadeed oo waa adeeg inagiina dawlad ahaan ma naqaano waxa soo galee aynu gacan ku yeelano oo buugaagta Nasha ay lacagta ku qaado in laga diiwangaliyo hanti dhawraha guud iyo xisaabiyaha guud ee qaranka oo waxaas oo la shaanbadeeyay oo aynu naqaano inta buug ee iibsamay, dabadeedna saddexdii biloodba ay mar xisaab celin keenaan sanadkiina hal mar aynu xisaabtano, waxa kale oo aanu isku raacnay in xisaabaadka dhibtishiyeeshanka aanay Nasha waxba ka saari karin, markaas heshiiskii wasaarada maaliyada iyo Nasha ay galeen oo dhacaaya bishan ayaanu dib ugu noqonaynaa oo qodabadan oo dhan aanu ku samaynaynaa,anagu intaa ayaanu xogagaal ka nahay gudidayadii miisaaniyadu.
Lacagtan ay Nasha qaado waa mid ay dunidubana qaado oo tidhigadha ayay la socotaa, waxan qaylada faraha badan keenayaana ee aad u garaabaysaana  waxa weeye reer soo dagay oo dib u dhoofaya lacagtiina dhameeyay ayaa la odhayaa lacag keena oo culayskeedu anagaba waa uu noo muuqdaa, waa in tigidhada lagu qaada arinkaasna shirkadii diyaaradaha Nasha iyo anaguba waanu ka wada hadalnay waanan isla qaadanay fikradaas.”

Xildhibaan DableJaamac Cilmi yaa dhankiisa waydiiyay wasiirka su’aal nuxurkeedu ahaa yaa Nasha awood u siiyay inay qaado lacagtaas iyada oo aanu xeer waajibin?

Way fiican tahay xildhibaanku inuu sharciga nagu qabsado, waanan ku hanbalyaynayaa isaga iyo raga kaleba, waayo waa isu dheeli tirka aynu u baahanahay, sharaysana-maayo ee waan ka jawaabayaa su’aasha, xildhibaanka’se waan la kaftamayaayoo in badan ayuu baarlmaanka ku soo jiray  waliba waxa uu ka tirsanaa xisbigii hore ee talada hayay intaas oo cashuurood oo sharci daro ahna dadka waa ay ka qaadi jireen, ma imika ayuunbuu xeerku soo baxay barigaaba maxuu xildhibaanku ugu hadli waayay, intaasi waa kaftan.

Nasha waxa ay samaysaa adeeg madax banaan, tacaariifta ay diyaaradaha ka qaado markay adeega u samayso baarlamaankuna ma ansaxiyo ee waa adeeg madax banaan waana heshiis ka dhaxeeya shirkadaha iyo Nasha anaguun baana garsoore u ah, haddii ay yidhaahdaan imika tacriifadii baanu kordhinaynaa aanu diyaaradaha shanda’daa kaga rogaynay baarlamaanku ma ansaxiyo ee waa adeeg madax banaan, maandhaydka shaqadan ay imika wadaan xukuumada ahaan anagaa siinay waxaanu u arkaynay in aanu adeeg madax banaan yahay oo ay u qabanayaan shirkadaha iyo rakaabka, qofka aan shandadba sidan cidina waxba ka qaadi mayso, xukuumadina waxay leedahay hadaan shanda’daada Screening la soo marin oo aany caafimaad qabin la rarimaayo, adeega anagu sidaas ayaanu u arkaynay, anagaana maandhaydka siinay, ku murmi maynee iyada oo sharciya ayaanu golaha keenaynaa.