Wasiirka Duulista Oo Leeyar Cusub Dhigay Madaarka Una Jawaabay Mujaahid Cali-Gurey

0
554

Picture6Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay wejigii u dambeeyay ee dib u dhiska iyo casriyaynta madaarka magaaladda Hargeysa oo ay maanta Bilaabeen.

Wasiirku waxa uu sidaais ku sheegay shir jaraa’id oo isaga iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi Axmed Dalal Faarax ay ku qabteen Madaarka Hargeysa ee hawsha dib u dhiska iyo casriyaynta ahi ka socoto. Waxaanu dhawaaqa masuuliyiintani ka dambeeyay ka dib markii uu toddobaadkii hore Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), uu madaxweynaha, wasiirka duulista iyo ninka qandaraaska ku qaatay madaarka Hargeysa ay u heshiiyeen lacagtii deeqda ahayd ee dawladda Kuwayt.

Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin madaarka Hargeysa dhismihiisa la soo gabo-gabeeyo bisha June ee sanadkan. Isagoo la hadlaya Mujaahid Cali-Gurey, wuxuu yidhi “Runtii ma doonayo inaan la cada cadaysto ninka masuulka ah marka uu doonayo inuu wax ka hadlo waxa wanaagsan inuu si hufan ula hadlo wax xaqaa’iq ahna uu bulshada u tabiyo, xogo aan xaqiiqo ku dhisnayn  oo ay ka muuqato shaqsi nacayb ama qoys nacayb ayaa hadalkaas ka muuqatay.”, waxaanu intaas raaciyay “Marshuucan sifo sharci ah ayaa loo baxiyay oo warbaahinta Somaliland markhaati ka ahayd  iyo bulshaduba shirkad baa ku guulasatay, shirkadaasuna waxay ka koobnayd dad ajaanib ah iyo qaar muwaadiniin ah, mashruuca kale ee Beberana sidaas si leeg dad muwaadiniin ah iyo Shirkad ajaanib ah ayaa ku guulastay, qofkaas muwaadinka ahina meesha uu doono ayuu ka soo jeedi karaa oo wasiirka ayay isku beel yahiin kuma xaq waayi karo, wararkaas ah madaxweynaha iyo wasiirku lacag ayay wada cuneen oo kala qabsadeena waa war aan xaqiiqo ku salaysnayan oo meel ka dhac ah.”

Md. Maxamuud Xaashi oo ka warbixinayay mashruuca dib u dhiska Madaaradda Hargeysa iyo Berbera, waxaanu yidhi “Farxad bay noo tahay maanta inay warbaahinta madaxa bannaan iyo ta dowliga ahiba Nagala soo qayb galaan, bilawga gabo-gabadii mashruucii ka socday madaarka caalamiga (Igal International Airport) oo ay nagu caawisay dawladda Kuwait.

Waxaanu daraasad aanu samaynay dabadeed, madaarada Somaliland way badan yihiin hase yeeshee, labada garoon ee ugu waaweyn inay u mudan yihiin in laga bilaabo waxqabadka, mashruuca waxaan u qaybinay laba qaybood oo isle’eg, garoonka Hargeysa waxaanu ugu tallo galnay dhabadda (Run-waygii) hore ee ka koobnaa 2km iyo 400m in lagu sameeyo dib-u-dhis, Runwaygaa waxa la dhisay 1958, waad garan kartaan wakhtiga laga joogo, mashruucan Kuwait ma ahee muddadii xukuumadani jirtay wax wayn ayay ka qabatay madaaradda dalka gaar ahaan madaarka Hargeysa ka Berberna wax badan ayaa laga qabtay.”

Wasiirku waxa uu jawaab ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay siyaasiyiin mucaarid ah oo ku eedeeyay Wasiirka inuu musuqay mashruucii dib u dhiska madaarka Hargeysa, waxaanu yidhi “Dad badan oo war-xumo tashiila oo aan xog ogaal ahayn ayaa yidhaahda mashruucii waa fashilmay oo wayska xidhan yahay garoonkii oo wax ka socda aan ogayn oo baadhitaan rasmiya oo aan ku dhisnayn xaqiiqada run-na aan ahayn. bini ‘aadanku marka uu wax sheegayo waxay ku qurux badan tahay inuu wax uu hubo sheego, markaa mashruucan waxaan rumaysanahay inuu najaxayo oo uu noqon doono talaabo wayn iyo horumar wayn oo ku soo kordhay dalka garoonka caasimadana ka dhigo doono garoon casriya.”

Waxaanu si adag u weeraray Md. Cali-Gure, oo uu sheegay in eedihiisu salka ku hayeen

“Mashruuca kale ee Berberna sidaasi oo kale ayuu u socdaa xogaa dib-u-dhaca ayaa ku yimid, mashruucani wuu ka horayn doonaa mashruuca Berbera iyagoo isku wakhti ahaa waxa ku yimi terminaalkii la dhisayay miinooyin qalab Ruushkii kaga tagay ayaa ku soo baxay taasina waxay keentay muddo laba bilood dib-u-dhac ku yimaado, waxaanu qorshuhu yahay ilaa bisha sideedaad in laga gudbo iyagana,”ayuu yidhi Wasiirka Duulistu.

Sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Md. Axmed Dalal Faarax oo ka war-bixiyay marxaladihii uu soo maray dhismaha madaarka Hargeysa.