Hargeysa(Geeska)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed Ayaa markii ugu horaysay si taxadir leh uga hadlay kiniisad cusub oo haweenay kiristaan ah ay sheegtay inay ka furtay magaalada Hargeysa.
Wasiirka ayaa sheegay wararkaasi yihiin kuwo la badalay isla markaasna ay soo saari doonaan warsaxaafadeed dhamaystiran oo arimantaas ka hadlaaya, waxaanu si kooban warbaahinta ugu yidhi"Aad iyo aad ayaanu runtii uga xumahay wararka lagu faafiyay baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga oo soo qaadanaya qof dumar ah oo kiristaan ah oo dalka degan, laakiin sawiro qaldan oo aanay waxba ka jirin iyo ku tidhi kuteen warka ku badalay, sidaas daraadeed wasaarada diinta iyo awqaaftu waxay go'aansatay iyada oo kaashanaysa wasaarada arimaha dibada inay war saxaafadeed soo saari doonaan arintaas xaqiiqadeeda lagu sheegayo."