Wasiirka Diinta Iyo Aw-qaafta Oo Sagootiyey Culimo Ka Socday Jaamacatul Az-har

0
553

Picture5Hargeysa (Geeska)- Culimo ka kooban lix sheekh oo ka yimi jaamacatul Az-har oo uu soo diray sheekh Azhar oo Somaliland ku sugnaa hal bil, ka dib markii ay ka heleen martiqaad rasmi ah Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed waxay muxaadarooyin iyo khudbado kala duwan ka galeen masaajido kala duwan oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Somaliland sida Hargeysa , Borama . Gebilay.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa 17-08-2015 munaasibad qado ah ugu qabtay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxaana munaasibadaas kadib la is gudoonsiiyey shahaado sharayo.

sidoo kale waxaa shalay qado sharaf kale culimadan ku sharfay Maayar xigeenka caasimada, waxaanu munaasibadaas ugu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaanu halkaas ka soo jeediyey hadalo qiimo badan oo uu ugu mahad naqay culimada booqashada ku timi Somaliland.

Madaxa hay’adda samo falka ee Geeska Afrika Sh Maxamed Cali Geedi ayaa isna dhankiisa kulan sharaf quraac ah u sameeyey culimada daka soo booqatay, waxaanu uga mahad naqay booqashadooda mudada qaadatay ee ay ku joogeen Somaliland.

Culimada ayaa kulamo la qaadatay madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsasn laamaha kala duwan ee dawlada.

Ugu dambayntii waxa casho sharaf xalay ku sagootiyay Sh. Maxamed Aadan Muxumed, cashadaas oo lagu qabtay guriga sheekh Maxamed Aadan, iyagoo aad ula dhacay maamuuska iyo sida diiran ee loo soo dhaweeyey, waxaanay ka mahad celiyeen ugu horayn  Ilaahay, ka dibna Wasiirka Diinta iyo awqaafta iyo dhamaan culimadii sida fiican ula shaqeeyey intii ay ku sugnaayeen Somaliland.