Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise Xaglatoosiye ayaa dhagax dhigay Cisbitaal lagu daweyn doono xanuunka Qaaxada (TB) oo laga dhisayo Lafta-faraweyne.
Cisbitaalkan oo ay maal-gelisay hay’adda World Vision ayaa waxa dhagax-dhiggiisa ka qayb galay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane, Madaxa Waaxda TB-da ee Jamhuuriyadda Somaliland, Suldaanka Guud ee Subeer Awal, Guddoomiyaha Degmada Fara-weyne, Salaadiin, Wax-garad iyo dadweyne weyne kale.
Ugu horreyn waxa xafladdaas ka hadlay Caaqil Axmed Aw-nuux oo sheegay in deegaanka Lafta-Faraweyne uu ka arradan yahay adeegyada bulshada, cisbitaalka la dhagax dhigayna yahay tallaabadii u horreysay ee wax loogu qabanayo, taas oo uu uga mahad celiyey wasiirka Caafimaadka.
Prof. Mowliid Maxamed Muumin oo isaguna ka hadlay madasha ayaa faahfaahiyey baahiyaha ka jira deegaankaas, waxaanu yidhi: “Cisbitaalkani waxa uu muujinayaa calaamad ah dhibic yar oo raxmad ah oo ku dhacday meel abaar ah, deegaankana waa mid ballaadhan oo ka arradan adeegyo badan.”
Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo xafladaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay in Golaha Deegaanka Hargeysa aanu weli gaadhin in uu wax ka qabto degmooyinka ka baxsan magaalada Hargeysa sida Fara-weyne iyo Lafta-faraweyne, laakiin ay ku dedaali doonaan in ay wax-qabadkooda gaadhsiiyaan degmooyinka.
Suldaan Mowliid Cali Sabayse ayaa madashaxa ka sheegay in xukuumadda ay ka doonayaan in saamigii wax-qabad ee ay ku lahaayeen dawladda ay ka helaan, sida waddooyin, xarumo caafimaad iyo waxbarasho. Ugaas Mohamed Cabdilaahi Ibraahim Magan Jabane ayaa xafladdaas ka caddeeyey in deegaanka Fara-weyne oo ka kooban 38 tuulo aanu lahayn Cisbitaal, kuwaas oo dhakhtarka ugu dhowe uu yahay Magaalada Hargeysa, farxadna ay u tahay in cisbitaalkaas loo dhagax dhigo. Suldaan Maxamed Daahir oo hadal ka jeediyey madasha ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa: “Mudane maaha in wasiirku inta uu dhagax-dhigo dabeeto sidaa lagu illoobo e waa in daba-gal lagu sameeyo fulinta mashruuca la dhagax dhigayo.” Suldaanka guud ee Subeer Awal, Sul. Xasan Sul. Cabdiraxmaan Sul. Cabdilaahi ayaa xafladdaas ka sheegay in deegaankaas uu ka arradan yahay waxqabadka xukuumadda, loona baahan yahay in qiimaynteeda dib loogu noqdo, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: “Degmada Fara-weyne waxay ku qiimaysan tahay heerka C, umana qalanto in ay C ahaato ee qalinkaa dib ha loogu noqdo.”
Wasiir Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye) oo ayaa munaasibadda uu ku dhagax dhigayey cisbitaalka waxa uu ka sheegay in sannadkan gudihiisa la fulin doono dhismaha, tababarka shaqaalahana la dhamays tiri doono, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: “Sannadkan gudihiisa ayaa la dhisi doonaa, inta dhismuhu socdana waxa la qori doonaa shaqaalaha oo la siin doonaa tababar, marka uu dhamaadana qalabkii, shaqaalihii iyo shaqadii oo bilaabanta ayeynu sugi doonaa. Waxa uu dabooli doonaa baahida caafimaadka, waxaanu dabar goyn doonaa cudurka qaaxada (TB), meelaha aanu xulanayna waa meelihii aanu u arkaynay inay ku habboon yihiin.” Waxa kale oo iyaduna madashaas ka hadlay Marwo Faadumo Yuusuf oo ka mid ah dadka deegaanka, Intaas kadib, waxa uu wasiirku dhagax dhigay Cisbitaalkaas.