Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Oo Fariin Uu Kasiday Madaxweynihiisa So Gaadhsiyay Madaxweynaha Soomaaliya

0
52

Muqdiisho(Geeska)Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka dalka Masar Dr. Badr Abdel Aty ayaa fariin uu kasiday Madaxweynihiisa Cabdulfitaax Al Sisi gaadhsiiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay ka qeyb galayaan Madasha Diblomaasiyadeed ee Antalya.

Ugu horeyn, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u gudbiyay salaan uu uga siday Al sisi Madaxweynaha Soomaaliya isagoo u rajeeyay in la sii wado wada shaqeynta labada Dowladood ee dhinacyada amniga, xasilloonida, iyo nabad kuso dabaalida Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa xaqiijiyay in Masar ay si buuxda uga go’an tahay taageeridda midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliyeed iyo hay’adaha qaranka, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu caddeeyay in Masar ay Soomaaliya ka taageereyso ka hortagga argagixisada iyo xagjirnimada xilligan xasaasiga ah, isagoo carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay siiso nooc kasta oo taageero ah si loola dagaallamo argagixisada iyo sidii loo heli lahaa amni iyo xasillooni.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa ka codsaday in salaan uu ka gaarsiiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar, iyo mahadcelin ballaaran oo ku aaddan doorka taageerada ee Masar ay ku leedahay dalkiisa heerarkeeda kala duwan.