Wasiiradii Uu Madaxweyne Siilaanyo Isku Bedelay Oo Ka Hadlay Siday U Arkaan Isku Shaandhaynta Lagu Sameeyay

0
549

Hargeysa(Geeska)-Xubno ka tirsan wasiiradii uu Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ku sameeyay isku bedelka, ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyay isku shaandhaynta uu Madaxweynuhu sameeyay, waxaanay sheegeen in wasaarad kasta oo la geeyo ay shacabka ugu shaqaynayaan.

1

Wasiiradan oo siyaabo kala duwan ugu waramay wargeyska Geeska Afrika, waxa ay sheegeen inay Madaxweyne Siilaanyo uga mahadcelinayaan xilalka uu u kala bedelay.

Wasiirka cusub ee warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Cadaani) oo uu Madaxweynuhu ka soo wareejiyay wasaaradda duulista iyo hawada, ayaa Geeska Afrika u sheegay inuu Madaxweynaha ka aqbalay xilka cusub ee uu u dhiibay, “Waan ku qanacsanahay waanan ku faraxsanahay wasaaradda uu madaxweynuhu ii bedelay, waanan uga mahadcelinayaa, umaddana waan u shaqaynayaa.” ayuu si kooban u yidhi Wasiir Cadaani.

Wasiirka cusub ee xanaanada xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo hore u ahaa wasiirka warfaafinta, ayaa isna isku bedelka masuuliyiinta ku tilmaamay awood madaxweyne, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo, “Waa awoodii madaxweynaha ee distooriga ahayd inuu masuuliyiinta isku bedelo, magacaabo amaba xilka ka qaado, waanan soo dhawaynayaa wasaaradda cusub ee la ii magacaabay, madaxweynahana waan u mahadcelinayaa.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka cusub ee duulista iyo hawada Md. Cumar Sheekh Maxamed Faarax, oo hore u ahaa wasiirka xanaanada xoolaha, ayaa isna isagoo Geeska Afrika u waramaya wuxuu si kooban u yidhi, “Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa wasaaradda la ii magacaabay, markaad wasiir tahayna umadda ayaad u shaqaynaysaa, wasaarad kastana umadda ayaa loogu adeegayaa, markaas wasaaradda uu madaxweynuhu ii wareejiyay waan soo dhawaynayaa, madaxweynahana waan uga mahadcelinayaa.”

Wasiir-xigeenka cusub ee qorshaynta Md. Kaysar Cabdillaahi Maxamed oo hore u ahaa wasiir-xigeenka ganacsiga, ayaa isaguna hadalkiisa ku yidhi, “Aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa wasaaradda cusub ee la ii magacaabay, wasiirka joogana oo ah Wasiir Cali-shoombe, waa masuul aanu in badan wada shaqaynay, horena umadda shaqooyinkan oo kale waan ugu hayay, markaas waxaan ku faraxsanahay wasaaradda la ii bedelay, madaxweynahana waan uga mahadcelinayaa.”