Wasiir-Xigeenka Dib U Dejinta Oo Degmada Ceegaag Gaadhsiiyay Baabuur Dawladu Ugu Deeqday

0
500

Hargeysa(Geeska)-Dowladda Somaliland ayaa gaadhi ugu deeqday Degmada Ceegaag, waxaana guddoonsiiyay  iyo Wasiir ku xigeenka Dib u Dejinta Aadan Cabdillaahi.

1

Xaflad kooban oo ka dhacday Degmada Ceegaag ee Gobolka Saraar ayaa waxa Maamulka degamadaasi la gudoonsiiyay Gaadhi nooca Pickup-ka loo yaqaano, waxaa goobtaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Dib u Dejinta Md. Aadan Cabdillaahi Cabdalle isaga oo ugu dambeybtiina guddoonsiiyay Gusoomiyaha Degmada Ceegaag, wasiirka ayaa waxa uu dadka ku dhiirri geliyay in Diiwaan gelinta aan loo kala hadhin, maantana la joogo wakhtigii loo hiillin lahaa horumarka deegaanka.

Waxaa xafladdaasi sidoo kale ka hadlay Odayaal Cuqaal waxgarad, iyaga oo dhamaantood dareen farxadeed  ku qaabilay Deeqdaa Gaadhiga ee kaga timi Dowladda Soomaliland.

Caaqil Cabdi Jamac Gaydh, ayaa Dowladda soomaaliland ku ammaanay horumarinta iyo maamul daadejinta ay ka wadaan Gobollada Bariga Soomaliland.

Sidoo kale waxa xafladdaasi ka hadlay Axmed Ciise Cawil oo ah maayerka magaadala Ceegaag, isaga oo Dowladda Soomaaliland uga mahad celiyay Gaadhigaa loogu deeqay Degmda waxani goobtaasi ka ballan qaaday in uu ilaalin doono gaadhigaasi Danta deegaankana ugu shaqeyn.