Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wadaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) ayaa shalay sida halyey qaran loogu soo dhaweeyay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabta safar uu ugu maqnaa magaalada Buuhoodle.
Mr. Xaglatoosiye, wuxuu Cali Khaliif ugu baaqay inuu dadkiisa u horseedo hourmar, islamarkaana nabadda ka qaybqaato.
Soo dhawaynta Xaglatoosiye, waxa ka qayb galay wasiiro, xildhibaano, xisbiyada qaranka iyo dadweyne tiro badan oo ku sugayay bariga magaalada Hargeysa, waxaanay dadka soo dhaweeyay wateen gaadiid badan oo sawiradiisa lagu dhejiyay. Khudbad uu halkaas ka jeediyay, isagoo la hadlaya Cali Khaliif wuxuu yidhi “Cali Khaliif waxaan leeyahay hadda Nin weyn oo da’ ah baad tahay, kii maanta nabadda dhalin lahaa baad tahay kii maanta xabad qaadan lahaa ma tihid.Kii maanta nidaamkan yar ee khaldan ee imika aad ku socoto ma tihid, kaalay oo ka qaybqaado nabaddgelyada iyo horumarka.”
Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, Cabdillaahi Geeljire, xildhibaan Saleban Cali Koore iyo dadweyne kale oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa wasiirka caafimaadka ku bogaadiyay safarka uu ku tagay Buuhoodle oo u muuqata inuu guul ka soo hooyay.
Waxa iyaguna goobtaas ka hadlay xubno wasiiro ah oo wasiirka caafimaadka ku bogaadiyay socdaalkiisa Buuhoodle.
Si kastaba ha ahaate socdaalka Xaglatoosiye ee Buuhoodle ayaa ahaa mid guul ah, waxaanu soo laabashadiisa uu shalay ku soo laabtay Hargeysa ay u muujisay inuu haysto guul siyaasi ah.